Dhuxulaw waxa lagaaga fadhiyaa inaad u jawaabto Maxamad Nur xirsi
Waxaynu dhawaan ogayn sidii afhayeenka madaxtooyada Somaliland Mr Dhuxul uu afka u kala qaaday mar uu u jawaabayay hadal ka soo yeedhay mujaahid Maxamad Xashi oo sheegay inuu dalku leeyahay ra’sil wasaare qarsoon oo hantiyay awoodii madaxwaynu lahaa.
Haddaba sidii qof kaste oo dhagaystay ay ugu muuqatay qaabka uu ugu jawaab Dhuxul mujaahidka oo ka fogayd milgaha iyo anshaxa dawladnimo oo si cad u muujisay in afhayeenku haba yaraate ka arradan yahay oo aanu aqoon u lahayn xirfada shaqadan u hayo oo loo baahan yahay in loo diro koorsooyin faro badan si ugu yaraan u u soo barto habka loogu jawaabo dadka iyo sidoo kale loo difaaco cidda aad matilayso, ayuu sidii qof ka sheekaynaya makhaayad ugu kala tiriyay mujaahidka isagoo haba yaraate aanay jawaabtaasii ahayn tii ku haboonayd mujaahidka.
Haddaba maanta ayay taagan tahay arintu oo madaxii sirdoonkii hore ee Somaliland sheegay in ay u taalo reer Somaliland inay raadiyaan madaxwaynihii ay doorteen halka u ku danbeeyay. Waxa u sidoo kale shaaca u ka qaaday isagoo in badan asturaya in madaxwaynuhu qalinka ku duugo qoraalo la soo hordhigo oo aanu waxba ka ogayn oo ay ugu la yaabka badnayd inuu saxeexay cafiskii lagu sii daayay niman loo haystay argagixisnimo. Markuu arintaa madaxwaynaha wax ka waydiiyayna waxa uu u sheegay inaanu ka warhayn cidii ku qornayd ee la soo hordhigay oo kaliya oo masuulka ku noqotay argagax iyo la yaab.
Inta ka dib waxa u codsaday masuulku in la soo baadho cidda qoraaladan diyaarisay oo muujinaysa dhanka kale inuu jiro faras madaw oo dalkan ka taliya oo aan ahayn madaxwayhihii ummadu soo dooratay.
Waxa u masuulku ku daray isagoo arimo badan xogogaal u ah in dalku gacanta u galay dad aan aqoon lahayn, waayo aragtinimo dawaladeed iyo maarayn ummadeed. Waxa u si cad u tibaaxay in xaaladii dalku mugdi sii gashay oo dhamaan hay’adahii dawlada lagu tuntay oo ay ugu horayso xaruuntii sirdoonku oo albaabada loo xidhay. Waxa u ku daray in dalkii go’doon kaga jiro dhamaan dawladihii aynu jaarka ahayn.
Waraysigii lala yeeshay dhawaan wasiir xirsi iyo yeedhitaankii jabuuti waxay si cad uga turjumaysay cidda dalkan xukunta oo si cad loogu yidhi (we know you are in charge) ee bal ka waran ……… …………?
Iyadoo qof kaste oo reer Somaliland ah aanay ka qarsoonayn in dalkii ka leexday tubtii horumarka dhinacyada badan ee u hore u hayay oo la rabo in lagu maamulo caqli qabyaaladeed iyo jabhadeed oo dalka u horseedi doonta burbur iyo khasaare haddii aan hore looga hortagin sida u masuulkan xoogogaalka ahi sheegay, ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan codsi u soo gudbiyo ninkii Mr Dhuxul bal inuu marlabaad soo cod karleeyo oo u jawaab naga siiyo warbixintan masuulka sirdoonka ahi shaaca ka qaaday oo ah in madaxwaynuhu arimo badan aan xaalka dalka ka ogayn oo cid kale u maamusho sida hadalkiisa ka cadayd, mise arintu waxa weeyi hadalkii ay tidhi islaantu ma aniguubaa lay xiniiyo waynaa!!
Dhuxulaw ma ninka aad isku haybta tihiin ayuunbaad labada daan uga xunbaynaysay oo been sheegay kaligii mise Mr Maxamad Nur xirsi waa u kaa qoto dheeryahay oo jawaab uma haysid. Jawaab deg deg ah ayaan kaa quudaraynaynaa dhamaantayo?
Thanks in advance
Cumar cali