Duufaanadan Isitee i Walwaalayaa Xagay igu Wadaan
Dadkaygu dhago maleh wax lagu maqlo, indho maleh wax lagu arko, san maleh wax lagu uriyo, carab maleh wax lagu dhadhamiyo, badana maaha bulsho wax u dhaadhacda, waa dad had iyo jeer caanku ah inay mikirifoonka (micro-phone) wax ka dhagaysato (oral society) tuuguna bartay halka looga soo dhaco sahan la laba celiyeyna lagu darasadeeyey inaanay ahayn dad u soo jeeda inay maruun ood u goostan ay iskaga dhacamiyaan daleenta gaaban ee tuugu bartay.
Hada iyo asqada igaga imanaysa xukumadayda iyo duufanada caalamiga ah ee igu kacsan waa wax halis wayn galin kara waxii aan lahaa hadhicin ha jabin ee aan wiil iyo walaal iyo xigtaba ku waayey.
Aan tabto halkay ka dhaqaaqi wayday maantana, siyaasada qaramada midoobay ee qalinka lagu wada duugay waxaa saldhig u ah in qarankii somaliyeed loo dhiso hab fedaraal ah (federal system) kaasoo qorshe hoosadkiisu yahay,
1. Qaramada midoobay waxaay meel marinteeda go,aansadeen in siyaasad ku dhisan 18 gobol oo qabiilaysan lagu soo dhiso dawlad fedaraal ah.
2. Sida ku cad distuurka ay soomaliya samaysatay in caalamku kula shaqeeyo ka soo dhigaaya (qaranimada somaliya in ay tahay lama taabtan ama muqadas)
3. In meel kasto dad isku hayb ahi ay degaan in taladeeda loo daba fadhisto iyaga
4. Inaan reerna reer kale deegaankiisa taladeeda lahayn waxna ku darsan Karin
5. Inta ay ugu yartay sadex gobol hadii ay isla qaatan in ay dhistaan maamul goboleedo (regional state) dawlada dhexe u aqoonsan doonto, iyo waliba distuurka qarankii somaliya loo sameeyey (national map) khariidada qarankana ay ku suntanaan doonan.
Siyaasada Somaliland ee Qaran
1. In aan jiritaanka Somaliland ahayn wax gorgortan gali kara
2. In somaliya laga wada hadli karo waxii dano ah ee inuu dhaxeeya
3. In xukumad kasta oo jirtaa sugto soohdinta inoo dhaxaysa inaga iyo wadamada dariska aynu nahay ciidamadeedana la geeyo
Anigoo aan ku soo koobi Karin qodobada sharci ee Somaliland uga yaala xidhiidhka kastoo ina dhex mari kara somaliya iyo qayrkood sida uu u eekaanayo, hadana waxaan aan yara gacan toglayn doona wiigagan duufanadan ina walwaalaya xagay inagu wadan.
Waxaa jirta qoryo qoryayn aan kala go,a lahayn oo inagaga imanayey siyaasad ay ku lamaan yihiin laba aan is qaban oo aad moodo in gaabis xageena ka yimi awgeed ay ku shuraakoobeen, oo ah qaramada midoobay iyo dawlada somaliya, arintaas oo ah waxaay u isticmaalan waxii laysku odhan jiray somaliya oo ah nidaamka dawlad goboleedka (regional states ) taaso dhinaca bariga Somaliland ay somaliya ula baxday (Khaatumo state)
In dawladaa reer galbeedku ay faragalin qaawan inagu soo qaadeen oo xeer kastoo aduunka ka jiraa xaaran timaynaayo in sidaas oo kale dal aduunyada ka jira loola dhaqmo, taasoo ahayd inay Somaliland ciidamdeeda kala baxdo wadankeeda, lakiin su’aashu noqonayso marka dal uu ciidamadiisa kala baxo wadankiisa xagee kale ee uu ula wareegaya, waxaan ku tilmaami kara inay tahay uun asqo siyaasadeed oo dano qarsoon laga leeyahay, takale ee iyana kuu wahelisa waxaay tahay sida cadadu tahay dawlada reer galbeedku iyaga laba kaadh aduunyada ugu matala siyaasada caalamka ,waxaay mar soo xidhan shaadhka qaramada midoobay (UN)marna shaadhka (NATO) kazoo ay u isticmaalan seef laba af leh oo marba tii meesha maraysa wax lagu goosan karo.
Dacaayada ay istimaalan waxaa ka mida inay halka ay damacoodu u mari waayo ay ku tilmaaman ina halkaas ay ka jirto nabad galyo xumo isla markaas wadamada dariska la ahi ay xadkooda ka xidhaan ,sidii dhacday bishii May/2014 ee itoobiya iyo jabuuti ilaa hada xadkeeni u xidhan yahay.
Ergayga qaramada midoobay somaliya u fadhiya ee xukumada Somaliland u taqaan ergayga qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somaliya waxaa uu ku dhawaaqay in somaliya aanay kala maarmi Karin dhamaanteedna ay isku dan tahay kana faa’iidaysto fursada dahabiga ah ee (federal system) federaalka eee aaduunyada kalena baalaha ka taagan tahay.
Waxaa kale oo shir ka dhacay hotel ku yaala magalada muqdisho oo ay kazoo qayb galeen xubno barlaaman ah iyo dawladaba uu ku cadeeyey in waxii xidhiidha ee caalamiya sida hawada iyo badaha somaliya ay gacan ku hayntooda loo daba fadhiisan doono dawlad kasta oo ka jirta muqdisho, dhamaan gobolada somaliyana ay ka faa’iidaystaan in ay dhistaan maamul hoosadadooda taaso sida uu u dul marmaray markaad eegto ay ka muuqatay hanjabaad aan laga dhawajin lakiiin go’aankeedii qaramda midoobay miiskeeda uu dul yaalo.
1/Jully/2014 maalintii midowgii somaliya ee bari suurta gashay lakiin laysku qiiyameeyey ayaa ku beegnayd uun laba cisho ka hor taasoo madaxweynaha somaliya uu qudbaad dheer ka jeediyay goob laysugu yimi oo ahayd aqal dhexdii taasoo maaxweyhana Somaliya fariintuusu ahayd in, in goboladii waqooyiga somaliya in ay riyada ka baxaan kuna soo noqdaan somalinimada waxaan suuragalayna aanay daneeheenu ku halaabin, aan kala tagno somaliyey waxaa dhaanta aan kala lulano , eryadaasii waxaay ka mid ahayeen hadaladii uu goobta ka yidhi Xassan Sheikh Maxamuud ka muqdhisho.
Hadaba hadaan ahay qoraaga qormadan ma soo koobi karo dakharada siyaasada dibada ee ay somaliya inagu hayso, horeba waay u jireen lakiin wayadan danbe waxaad mooda Somaliland inay ku hafatay siyaasadii dibada, marmarka qaar waxaad mooda in ay xukumadu bixinayso inshaaro (signal) af garasho oo weeraradan ka imanaya caalamka ay qayb ka tahay si caad u saaran yahayna ay caalamka ugu haasaawinayso in la gaadhay wakhatigii aanay reer Somaliland dhaafi kari jirin waxaana u daliila arimaahas.
1. Xukumada kulmiye waayadan danbe waxaay culayska saartay in ay siyaasada gudaha khalkhal badan galiso, taasoo wajigeedii hore muuqdo oo ah in kalsoonidii beeluhu ay ka qabeen xukumadu sii yaraanayso ka dib markii beel waliba magaladeedii ay ku qabsatay shir-beeleed ka turjumaaya sida beel waliba gudaheeda iyo beelaha dariska la ahba ay si nabad galyo ah ula noolaan lahayd.
2. In saxaafadii xorta ahayd meesha laga saaro, loona qaybiyo wax iyaga uun wax ka dhagaysta iyo wax meeshaba laga saaro.
3. In awoodii ciidan iyo dhaqaalihii qaranku lahaaba loo istimaalo si qaldan
4. Qabyaaladii gaadhay heer ugu hoosaysay wakhtigii xukuumadii ka horeeyey tan hada jirta oo hada dib shidaal loogu shubay gaadhayna heer aan waligeed hore loo gaadhin oo ay ka mid tahay in afarta wasiir ee ay isu xigaan madaxweynuhu ay ugu awood bataan qarankoo dhan inta kalena ay noqoto adeegayaal.
5. In sugidii xuduudaha Somaliland ee laga sugaayey xukumadu noqoto wax ciidanka uun lagu laayo, lakiin aan sidii la rabay u socon ,markasta waxaad ogtahay in ciidan meel la galiyo dhimasho iyo qasaare yimaado ka dibna dib looga soo saaro taasoo noqonaysa sidii filimkii carabtu matali jirtay ee la magac baxay (dariiq bilaa nahaaya).
Talo Bixin
Markay intaasoo isku dhaabani iyo inkaloo aan adiga kuu dhaafay ay jirto waxaa inala gudboon sida rayigayga gaabani isiinaayo.
1. in shir qaran oo magaciisa loo bixiyo Gurmad Qaran laysugu yimaado.
2. in sidii caadada inoo ahayd inta uu dhamaanaayo wakhtigii la doortay xukumadan il gaar ah lagu hayo isbadalada siyaasadeed gudo iyo dibadba.
3. In qofkastoo reer Somaliland ahi nabadgalyada wadanka u ahaado askari boolisa.
W/Q; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle )