Dadka Wehelka la ah Xannuunka HIV/AIDS oo Boosaaso afur loogu sameeyay
Boosaaso 02.July 2014 (SDN/QJ)- Shirkadda ganacsiga Towfiiq ee magaalada Boosaaso oo afurisa 80 qof oo katirsan dadka la nool cudurka HIV/AIDS-ka ee ku nool Boosaas ayaa sheegtay inay gargaarka wadi doonto inta lugu jiro bishan barakaysan ee Ramadaan.
Gudoomiyaha ururka dadka la nool cudurka ee gobolka Bari, Axmed Cusmaan Ibraahim ayaa uga mahad celiyay shirkada afurinta dadka xanuunsan.
Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in tirada guud ee dadka qaba HIV/AIDS-ka ee ku nool Boosaaso ay gaareyso ugu yaraan 130 qof oo dhammaantood u baahan taakulayn.
Dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee ku nool Boosaaso ayaa waxaa caawiya hay’adda Puntland u qaabilsan AIDS-ka ee Puntland AIDS Commission iyo wasaaradda caafimaadka maamulkaasi.
Boosaaso SDN/QJ
contact@qurbejoog.com