|

Masar iyo Ethiopia Oo Ku Heshiiyey Guddi Turxaan Bixin U Noqota Khilaafka Biyo-xidheenka Wabiga Nile-ka

Caira:July,02,2014(SDN/QJ)-Dawladaha Masar iyo Ethiopia ayaa isla gartay inay samaystaan Guddi Laba Geesood ah oo xal u raadin doonta Khilaafka ka taagan Biyo-xidheenka Ethiopia ka samaysatay Wabiga Nile-ka.

Egypt President Abdel Fattah al-Sisi talks to Ethiopia's Prime Minister Hailemariam DesalegnLabadan dal ayaa ku heshiiyey in muddo saddex Bilood ah lagu dhiso Guddi isku soo duba ridda Doodaha labada dhinac ee Biyo-xidheenka la xidhiidha.

Gudigan oo loo arko tallaabo wanaagsan oo dhinac quman loo qaaday, ayaa waxa si wada jir ah ugu dhawaaqay wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Labada waddan.

Gudiga ayaa soo bandhigi doona qodobo 7 ah oo labada dal la rabo in ay ku heshiiyaan, si meesha looga saaro khilaafka muddada dheer soo taxnaa ee la xidhiidha Biyo-xidheenka Ethiopia samaysatay.

Qodobada waxaa kamid ah in ay ixtiraamaan mabaadi’da wada hadalada iyo xeerka caalamka. Waxaa kale oo la islagartay in dib loo anba-qaado soo celinta guddi 3 geesood ah oo hore u jiray iyo tixgalinta xaqa Masar u leedahay adeegsiga biyaha Nile.

Go’aanka lagu dhisay gudiga wadajirka ah ayaa soo dhaweyn ka helay labada wadan oo hore isugu mari la’aa sidii loo soo afjari lahaa khilaafkooda.

Waxaa xusid mudan, in ra’isulwasaaraha Ethiopia iyo hogaamiyaha cusub ee Masar ay dhawaan yeesheen kullan lagu dardar galinayo qaboojinta xiisada ka dhalatay dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed