Ma dhabaa in Kooxda qaranka ee Cameroon ay laaluush qaateen?
Brazil July 02,2014(SDN/QJ)- Gudida anshaxa ee wasaaarada ciyaaraha dalka Cameroon ayaa baaritaan ku sameynaya ilaa todobo ka mid ah ciyaaryahanada dalkaas eek a qeybgalay tartaka ciyaaraha aduunka eek a socda Brazil.
Warbaahinta BBC-da ayaa intii aaney bilaaban ciyaartii Cameroon iyo Croatia waxa loo sheegay natiijada ciyaartaa iyo in ciyaaryahan la siin doono casaan.
“Ilaa todobo ka mid ah ciyaartooyda qaranka ayaa baaritaan aan ku wadnaa oo si fool xun u dhaqmay”ayaa lagi yiri war ay soo saartay wasaarada ciyaaraha Cameron.
Sidaa waxa BBC-da u sheegay ninka aduunka ugu caansan khamaarka ciyaaraha kubedda cagta caalamka oo haatan ku xiran dalka Finlabd.
Ninkan oo u dhashay dalka Singapore ayaa la yiraahdaa Wilson Raj Perumal.
Tababaraha dalka Caameroon Volker Finke ayaa sheegay in ciyaartoodu six un u dhaqmeen intii ciyaaruhu socdeen.
“Ciyaartooyda qaar ayaa six un u dhaqmay,waana sababta 4ta nalooga badiyay”sidaa waxa saxaafada Faransiiska u sheegay tababare Volker.
Waxaan la shaacin cadadka lacagaha ay qaateen ciyaaryahanada dalka Cameroon ee qaatay laalushka.
Ciyaartooyda Caameroon ayaa diiday in ay Brazil u duulaan inta laga siinayo gunooyinkii loo balan qaaday intii ay socdeen isreebreebka ciyaaaraha aduunka,waxaana markii danbe lagu heshiiyay in ciyaartooyda la siiyo gunadooda.
SDN/QJ-Brazil
contact@qurbejoog.com