|

Islaamiyiinta Ciraaq iyo Syria oo dawlad ku dhawaaqay

Mosul July 02,2014(SDN/QJ)-Islaamiyiinta ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Syria ee ISIS ayaa ku dhawaaqay dawlada Islaami ah oo ka arimin doonta degaano gacantooda ku jira oo ku kala yaala dalalka Ciraaq iyo Syria.

Sidaana waxaa lagu shaaciyay cod uu shaaciyay Madaxa ISIS Abu Bakar al-Baqdaadi oo lagu shaaciyay Internetka.

Hogaamiyaha ISIS ayaa ugu baaqay muslimiinta caalamku in ay yimaadaan degaanada uu ka taliyo oo ay xejistaan cisigooda.

Naqdaadi ayaa sheegtay in uu yahay hogaamiyaha Muslimka ee caalamka isla markaana ka codsaday caalamka Islamka in ay maamulkiisa aqoonsadaan.

Dawladihii reer galbeedka eek u duulay Ciraaq isla markaana dawlada dalkaa taageereysay Ayaan ilaa hada la iman qorshe looga hortago dawlada cusub ee ay ISIS ku dhawaaqday.

SDN/QJ-Mosul

contact@qurbejoog.com

Comments are closed