Guddomiyaha beesha Ciidagale ee deggen UK oo Soo dhowayn dhismaha waddada Ina Guuxaa ilaa Awaare
London July,02,2014(SDN/QJ/)-Gudoomiyaha Gudida horumarinta ee Beesha Ciidegale Md Deeq Cabdi Digale ayaa soo dhaweeyay Dhismaha Wadada u dhexeysa magaalooyinka Ina Guuxaa Ilaa Awaare oo ay ku dhawaaqday dawlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Qoraal ay gudidu soo saartay oo uu ku sexeexan yhay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa sidan u qornaa:
Waxaanu si diirran u soo dhowaynayna haddaanu nahay beel waynta Ciidagale ee deggen dalka ingiriiska tallaabada geesinmda leh ee ay hore u qaaday Dawlada ismaamulka Soomaalida kililka shanaad ee Ethiopia,tallaabadaas oo ah dhismaha waddada Magaalada Ina Guuxaa ilaa degmada Awaare, arrintaas oo wax la taaban karo ka tari doonta isu socodka iyo adeegyada asaasiga ah dhan walba shacabka walaalaha ah ee deegaanadaas iyo labada dal ee Somaliland iyo Itoobia ,mar labaad waxaanu si mug leh ugu hambalyeyna madaxwaynaha kililka shanaad ee Itoopia mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo golihiisa wasiiradaba.
Waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno.