|

Xuska 1da July iyo Madaxda Sare oo Somalia oo Hambalyo is dhaafsanaya

Muqdisho 01.july 2014 (SDN/QJ)- Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo, 54 guuradii kasoo wareegatay markii gobollada koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga, ayna midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfur u diray umadda Soomaalida.

madaxda sare ee somaliaMadaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, Wasiiro, xildhibaanno iyo dadweyne kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay heysato fursad wanaagsan oo ay markale kusoo noqon karto heybaddii ay ku laheyd caalamka, isagoo shacabka ugu baaqay horumar iyo midnimo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa hambalyo kadib u sheegay shacabka inay soo dhawaatay guusha iyo horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in 1-da Luulyo ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaalida, isagoo xusay in dhowr iyo labaatan sano kadib Soomaaliya ay dib usoo kabaneyso.

Deegaanno kale oo ka tirsan dalka ayaa laga xusay 1-da Luulyo, 54 guuradii kasoo wareegatay xoriyaddii Soomaaliya 1960-kii.

Muqdisho SDN/QJ

Comments are closed