Gudoomiyaha Ucid oo Sheegay Inay Mahuraan tahay in la Kordhiyo Tirada Komiishanka Doorashooyinka
London 01.July 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng Faysala Cali Waraabe Ayaa Ka Hadlay Baahida Loo Qabo In La Kordhiyo Tirada Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo Gudidaasi.
Sidaasi Waxaa Lagu Sheegay War Saxaafadeed Kasoo Baxay Laanta Xisbiga Ucid Ee Magaalada London
Warsaxaafadeekan Oo Dhamaystiran Ayaa Waxaa Uu Udhignaa Sidan:
“Guddoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda waxa uu sheegey inay imminka meel fiican marayso diyaargarowgii diiwaangalintu, Komishanka Doorashooyinkuna ay qabteen shaqo fiican, tijaabadiisana ay sameeyeen. Waxa Guddoomiyaha UCID caddeeyey in Guddida Doorashooyinka Qaranka la beddeli doono, suurtogalna ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo xubnaha uu ka koobnaan doono Komishanka Doorashooyinku, hasayeeshee, arrintaas laga wadahadli doono,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay laanta UCID ee dalka UK.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka qaybgalaya shir ay leeyihiin xisbiyada The Socialist International oo xisbiga UCID xubin ka yahay, kaasoo dalka Mexico ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika ka furmaya Isniinta maanta, socona doonaa ilaa Salaasada berri, waxa uu sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo damacsan tahay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan badhtamaha sannadka 2015, isagoo xusay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay weli go’aan ka gaadhin in labada doorasho la is-raaciyo iyo in midba mar la qabto.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 12 June ee sannadkan soo jeediyey in aan mar la wada qaban doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaannu ku baaqay in labada doorasho mid walba gaarkeeda loo qabto, isagoo hore u soo jeediyey in tiradda guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ah 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood oo saddexda xisbi qaran mid walba saddex xubnood magacaabo.
Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland tahay mid aad u hoosaysa, isla markaana ay mareyso in waddamada jaarku xidhaan xuduudka ay la wadaagaan Somaliland, arrintaasoo uu ku sifeeyey inay muujinayso hoos-u-dhac ku yimi siyaasadda khaarajiga xukuumada madaxweyne Siilaanyo.
Waxaa kale oo uu sheegey in khilaafkii ka taagnaa degmada Taleex lagu dhameeyey guul, lana qareemeyey maleeshiyaad degaanka ah, maamulna loo sameeyey degmada Taleex ee Gobolka Sool, arrintaasoo uu ku dooday inay tahay talo uu soo jeediyey kulankii madxweynuhu golayaasha qaranka isugu yeedhay ee lagaga tashaday arrimaha Sool iyo guud ahaanba xaaladaha Somaliland.
London SDN/QJ
contact@qurbejoog.com