|

Maxkamadda Sare Ee Xuquuqda Aadanaha Ee Qaaradda Yurub Oo Mamnuucday Niqaamka Haweenka Muslimiinta

sssssParis:01,Julay,2014(SDN/QJ)- Maxkamadda sare ee xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa taageertay mamnuunicidda dowladda faransiiska ay ku diiday xirasha niqaabka oo ay haweenku ku xirtaan dibadda.

Maxkamadda ayaa ku andacoonaysa inayna Haboonayn in Meelaha Fagaarayaasha iyo Kulanadda Bulshada inuu Qofku Wajigiisa Qariyao,taasoo Su’aal galinaysa bay yidhaahdeen in la aqoonsado Qofka.

Dacawaddan oo ay keentay gabar 24 jir ah oo u dhalatay faransiiska taas oo ku dooday in go’aan lagu diiday niqaabka uu xadgudub ku yahay xorriyadeeda diimeed.

Go’aanaka ayaa waxa is weyn uga biyo-diidan Shucuubta Muslimiinta ee Qaaradda Yurub,oo u arka inay tahay Takoorid Diintooda lagu takoorayo.

 

 

 

SDN/QJ-Paris

daacad@qurbejoog.com

contact@somaldiaspoarnews.com

Comments are closed