Xal Lagu Waday In Maanta Laga Gaadho Khilaafka Dhuleed Ee Golayaasha Deegaanka Hargaysa Iyo Sallaxley oo Fashilay Iyo Eedo Loo Jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Taliyaha Booliska Somaliland
Hargaysa:01,Julay,2014(SDN/QJ)-Kulan Maanta layskugu keenayay Maayarada Magaalooyinka Hargaysa iyo Sallaxley,ayaa lagu kala kacay ka dib markii Labadii dhinac Midkood uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ku Eedeeyay inuu yahay Masuul aan go’aan gaadhi Karin.
Kulanka Maanta oo Xildhibaanada Labada Gole Degaan ay ku wehelinyaan Odayaal dhex dhexaadin ka waday labada Dhinac,ayaa lagu qabtay Xarunta Wsaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,oo Gudoominyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Waran-cade,balse waxa mar kaliya laga war helay iyada oo Maayarka Sallaxley uu kazoo baxay Madashii Kulanka,isaga oo ka biyo-diidsan sida Wax loo maamulayay.
Maayarka Magaaladda Sallaxley oo Warbaahinta la hadlay Ayaa ku Eedeyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland,inay garab la yihiin Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Hargaysa.waxa uu sheegay inuu Taliyuhu Ku Guul Daraystay inuu gacanta kusoo dhigo Ragii Dhaawacay Xildhibaanka Golaha Deegaanka ee Magaaladda Sallaxley iyo Askri ka tirsanaa Ciidamadda Amaanka ee Magaaladda Sallaxley oo isna shalay la dhaawacay.
Si kastaba ahaatee Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa lagu Eedaynayaa in aanu Daacad ka ahayn in Xal Waara laga gaadho Khilaafkan soo noq noqonaya ee u dhaxeeya labada Gole Deegaan ee Sallaxley iyo Hargaysa.
SDN/QJ-Hargaysa