|

Halkan Ka Akhri Magaca Shirkadda Ku Guulaystay Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Qaddarka Lacagta Lagula Heshiiyey

Hargeysa:July,01,2014(SDN/QJ)-Inkastoo aanay wali Guddida qandaraasyada qaranka somaliland si rasmi ah ugu dhawaaqin cid rasmi ah oo ku Guulaystay Samaynta Diiwaangelinta Madaniga ah, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya inay ku guulaysatay shirkad gaar ahi.

veeWararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Fadhiyo ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ku yeesheen Guddida arrintan loo xilsaaray ay iskula garteen in qandaraaska la siiyo shirkadda Sahal oo muwaadiniin Somaliland ka soo jeedaa Leeyihiin.

Ilo wareedyada warkan aanu ka helnay ayaa sheegaya in Qandaraaska lagu bixinayey lacag dhan Laba Milyan iyo lix boqol oo kun oo Doolar, taasoo shirkadda Sahal ay soo xaraysatay inay hawshaas ku fulinayso laba Milyan iyo shan boqol oo kun oo Doolar, halka shirkadaha kale badidoodu ka soo qorteen lacag gaadhaysa Afar Milyan.

Diiwaangelinta Madaniga ah ayaa ahayd inay xiligan bilaabanto, hase yeeshee waxa hortaagnaa hawlo farsamo oo ay ka mid ahayd bixinta qandaraaska, iyo daraasadihii lagu samaynayey qalabka iyo qaabka Diiwaangelintu u dhici doonto.

Dhammaanba kharashaadka ku Baxay diiwaangelinta Madaniga ah ayaa waxa kafaalo qaadday xukuumadda Somaliland, waxana laga sugayaa inay ku dhamayso muddadaa sanadka ka yare e muddo-xileedeeda uga Hadhsan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed