|

Somaliland:Shirkado Laga Leeyahay Norway iyo Sweden Oo Ku Dagaallansan Shidaal Lagu Tuhunsan yahay Deegaanka Holhol

Stokholm:July,01,2014(SDN/QJ)-Wargeyska Aftonbladet oo ka soo baxa Dalka Sweden, ayaa warbixin uu daabacay ku Baahiyey Dagaal dhinaca shidaal qodista ah oo ka dhex aloosan shirkado laga leeyahay Dalalka Norway iyo Sweden.

holhol3Joornaalkan ayaa sheegay in Goobo lagu tuhusan yahay inuu shidaal ku jiro oo ku Yaalla Gudaha Somaliland, gaar ahaan Aagga Magaalada Holhol ee Gobolka Sool ay laba shirkadood isku Haystaan Baadhistooda.

Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International waxay hal goob oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen maamulo kala duwan, aaggaas oo ku astaysan “Nogal-1″ oo la ollog ah Holhol.

Isla gaabtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.

Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey weriye ka socdey jariidadda Aftonbladet isagoo la hadlay dadka degaanka.

Jariiraddu may caddayn cidda ogolaanshaha Deegaanadaas Bixisay inay Tahay Somaliland iyo Puntland, waxase kaliya ay xustay in maamulo kala duwani ay heshiisyo  iska soo horjeeda  ku bixiyeen isla goob kaliya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed