|

Mulkiyadda TV-ga Universal Oo Lagu Kala Baxay iyo Mulkiile Cusub Oo Loo Xukumay

Muqdisho:July,01,2014(SDN/QJ)-Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa ugu dambayn natiijo ka soo saartay Dacwad ka taagnayd Lahaanshaha TV-ga Universal oo muddo badan muran ka taagnaa.

universalMaxkamadda ayaa u xukuntay lahaanshaha TV-ga  Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) oo ku sugan dalka Norway, Waxaana Qareen u ahaa ninka loo Xukmiyey Telefishinka  Xaawo Xaaji Sabriye.

 

Qoraalkan ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ee Mulkiyadda TV-ga lagaga wareejiyey Eng. Axmed Abuukar, ayaa u dhignaa sidatan:

Ka dib markii ay aragtey Maxkamadu Qoraalkii Baafinta ee laga sii daayey Warbaahinta, Markii ay aragtey Doodii iyo Cabashadii Racfaanlaha oo ah in Dacwada la socodsiiyo sida uu qabo Sharciga Habka Maqnaanshaha maadaama laga Quustey Isgaarsiintiisa, Markii ay aragtey Warqadda Caddeynta Lam 5257488 Certificate of Incorporation oo ka soo baxdey dalka Ingiriiska Magaaladda Cardiff iyo Dhamaan Qoraaladda la Xidhiidhka ee Galka ku jira, markii ay aragtey Xukunkii Maxkamada Gobolka Banaadir Lambarkeedu yahay 076/2013 BG 096/013BX ee Tr. 12/8/2013, Markii aragtey Qod.681 XMS, markii ay aragtey Qod .204.205 XHM, markii aragtey Qod. 239. 241, 245. XHM, in ay Caddahay in Cabduqaadir Maxamed Aadan ( Baariyow) uu leeyahay Milkiyada Telefishinka Universal.

 

 

Halkan ka Aqriso Warqada Maxkamada Racfaanka kasoo baxay

 

qaa1

 

qaa1

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed