Dawaarle Toli Jirey Dirayska Ciidanka Kenya Oo Xabsiga La Dhigay iyo Shaki Laga Qabo Inuu Xidhiidh La Lahaa Shabaabka
Wajeer:Juen,05,2014(SDN/QJ)-Kadib Baadi-goob muddo socday oo lagu raadinayey Sida ay Kooxaha Shabaabku ku Helaan Lebiska Ciidanka Kenya ayaa keenay la Gacanta lagu dhigo Nin Dawaarle ahaa oo Dharkaas ku Toli Jirey Magaalada Wajeer.
Arrintaas Xadhiga Dawaarlaha ayaa waxa Saaka wax ka qoray Wargeyska The Daily Nation, kaas oo tilmaamay in Ninkaasi loo xidhay shaki la xidhiidha inuu Kooxaha Shabaabka ka Iibin jirey Dharka ay ku lebistaan Ciidanka Kenya.
Guddoomiyaha Degmadda Wajeer, Naftal Mungathiya ayaa sheegay in Labiska uu Eedeysanaha iibin jirey ka mid yihiin Labiska Milliteriga ee nooca Jangalka iyo Labiska ciiddanka Maamulka Boliska.
Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Milliteriga Kenya 15 joog oo labiska ciiddamadda ka heleen Dawaarka, iyadoo la baadi-goobayo dadka sida rasmi ahaanta loo tolay dharkaasi.
Naftal Mungathiya waxa uu tilmamaay inay Saraakiisha tuhun ka qabaan in Labisyadda ciiddamadda laga iibiyo Xarakadda Alshabaab iyo Maleeshiyooyinka Beelaha ee dhawaan ku dagaalantay Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer.
Arrintan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ciidanka Kenya kaga hortagayaan weerrarada kooxaha Shabaabku ka Fuliyaan Deegaanadeeda, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo Badanayey Dalka
SDN/QJ