|

Khilaafka Kulmiye Oo Calqaladeeyey Furitaanka Garoonka Xawaadle Oo Maanta Loo Ballansanaa

Hargeysa:June,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Dib loo dhigay Furitaanka Garoonka Xawaadle  eek u Yaalla Degmada 26-ka June oo dib u Haybani muddo ku socotay, isla-markaana Loo Ballansanaa in Maanta oo Khamiis ah la Furo.

dibuWararka ka soo baxaya Sababta dib loogu dhigay furitaanka Garoonka Kubadda ee Xawaadle, ayaa lagu sheegay inay salka ku hayso Khilaafka  ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, iyadoo ay diiddan yihiin Xubno Xukuumadda ka tirsan oo furitaanka lagu casuumay.

Wararka Qurbejoog.com helayso ayaa sheegaya Wasiirro xukuumadda ka tiran oo la safan Madaxtooyada lagu casuumay Furitaanka, kuwaas oo ka cudur daartay inay yimaaddaan, kuna Andacooday inay gelayaan shirar hoose oo arrinta xisbiga iyo midda shirka Golaha wasiirradaba salka ku haysa.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco oo isagu Hawsha garoonka Gacanta ku Hayey, ayaa  maanta hore ugu muddeeyey in furitaanku dhaco, balse waxa uu markii dambe  ee uu ogaaday inaanay ciddii loogu talo galay imanayn Go’aansaday in dib loo dhigo munaasibadda muddo toban cisho gudahood ah.

Sida muuqata waxa meesha ka baxay wada-shaqayntii iyo wanaagii ay xukuumadda ka dhalatay xisbiga kulmiye ku wada socotay, waxana tafaaruruq ku yimi xukuumaddii iyo Hoggaankii Xisbiga, iyadoo inta badan hoggaanka Xisbigu Dibad-wareeg yihiin ayaamahan  aynu soo maraynayey.

 

Khilaafka Xisbiga iyo xukuumadda ayaa ku Baahay Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, waxana xubnaha xukuumadda ka tirani Tuke Baal-cad ka yihiin Goobaha Xubnaha xukuumadda ka tirsani Mashaariicda ka furayaan oo aanay ka soo Xaadirin.

Dhawaan markii uu Madaxweyne Siilaanyo Mashruuca dabaysha  Dabaysha Dabka lagaga dhalinayo ka furayey Madaarka Hargeysa wax aka maqnaa Garabkiisa Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo Hargeysa ku sugnaa, waxana halkaas laga dheehan karayey inaanay masuuliyiintani marnaba meel iskugu iman Karin.

 

SDN/QJ-Hareysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed