Cabdillaahi Jawaan Oo Garabyada KULMIYE Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Go’aanka Guurtidu Soo Saarto
Hargaysa:04,June,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ku taliyey in sida ugu dhakhsaha badan loo dhameeyo wixii tabasho ama khilaaf ah ee jira, waxaanu Guddida Golaha Guurtida ee soo afjarida Khilaafka Xisbiga Kulmiye u qaabilsan kula taliyey inay si cadaalad ah ku dhameeyaan.
Guddoomiye ku xigeenkii Koomishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa sidoo kale ka hadlay Qarxayadii Shaanida ee Hargeysa ka dhacay, waxaanu sheegay inay ayaan daro tahay in Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi lagu eedeeyo Qarxayadan, waxaanu xusay in Muuse Biixi aanay ka suurtoobin in Wadanka uu u soo dagaalamay uu dib u qarxiyo.
Cabdilaahi Cabdi Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale Dadweynaha, Cuqaasha, Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka kala duwan ugu baaqay in aanay sii hurin khilaafka Kulmiye ee ay dhex ka ahaadaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan aad iyo aad uga xumahay khilaafka soo kala dhex galay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, taas oo khilaafka dhacay uu aad u weynaaday, aad iyo aadna waan uga xumahay khilaafka soo kala dhex galay Xisbiga dhexdiisa iyo Hoggaaminta Qaranka, oo Xisbul Xaakimkii iyo Xukuumaddii Dalka hogaaminaysa ka dhex dhacay, balse wax walba oo yimaada Qadar ALLE ayuu ku yimaada, lama odhan karo se waxaasi maxay u dhaceen, balse waxa wanaagsan in wixii laga qaban karo ee lagu dhameeyn karo lagu dhameeyo, anigu hore ayaan uga hadlay, oo talo ayaan ka dhiibtay, waxaana soo jeediyey inay isku tanaasulaan, marxaladaas waa laga soo gudbay oo may dhicin, halka ay Maanta wax taagan yihiin ma xuma, Muran uu dhaca khilaaf uu dhaca, waana dabeecada Aadamaha Illaahay ku abuuray in aragtidu kala duwaanto, in la tartamana waa wax iska jira oo waa Sunaha Siyaasada aynu qaadnay, balse Tartankaasi waa inuu waafaqsanaada Shuruucda iyo Xeerarka u dejisan Xisbiga ay Magaciisa haystaan, ee ay ku tartamayaan iyo Xeerarka Guud ee dalka”.
Cabdilaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Labada Masuul ee aan Labadooba qadarin weyn ayaa u haya waxaan rajayeenaya in khilaafkooda uu dhamaado, iyada oo Golaha Guurtidu Qaranka ay Maanta hawshooda ku jirto, Guurtidu Jawaabtii hore wey bixiyeen, Labada Garabna kalsooni ayey siiyeen Guurtida, waan ku amaanaya runtii, waana arin maamus iyo Sharaf ayey qaateen madaama ay Guurtidu inay dhex gasho ogolaadeen, oo ay ka garsoortu waxa ay isku hayaan, markaas waxa ay Guurtidu garto inaad Labadiina Garaba u hogaansanaatan ayaa waajib ah, haddii loo hogaansimi waayana khilaaf xun ayaa iman doona, khilaafkaasina waxa uu kala dhantaalaya isku duubnidii Xisbiga, Hogaamintii Dalka, Midnimadii Umadda, waxaana arkaya in halkii laga sii qaboojin lahaa Khilaafka in la sii hurinayo oo boqol weji loo yeelay, ”.
Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida waxa uu yidhi “Golaha Guurtida haddii aad tihiin waxa aad tihiin Hay’addii Dastuuriga ahayd ee Xeer dejinta ee Aqalka sare ee Golayaasha Qaranka, waa Aqalkii Odeyaasha, 23-Sanno ee Somaliland jirtay iyo intii ka horeeysayba ee wakhtigii Guurtida Dasttuuriga ah ee SNM, door halboowle ah ayaad ka qaadan jirteen khilaafadka dalka suulintooda iyo xal u helidooda, arintan arimo ka waaweyn oo ay ka mid yihiin Dhiig daatay, Qaxoonti Dagaalo iyo Dhibaatooyin dhacay iyo iyada oo la isku jabay ayaad dhameeysan, arintana waa mid ka fudud, markaas si nadiif ah oo dhex-dhexaadnimo ah, oo Odeynimo ah inaad ku gashaan ayaa loo baahan yahay, waxaana idinkula talinaya in Labada dhinaca marka hore afti ka qaadan oo si waxaad garataan idinka aqbalaan, oo hadhaaw aanu Muran iman, waxaanad tihiin Odey waaweyn oo waayarag ah sida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah Ruug cadda Siyaasadeed, Xaaji Cabdikariim iyo Odeyaashiisuna waa Raggii wax walba oo dhacay ka garsoorayey, go’aan adag oo aan dhana u janjeedhin ka qaata, Illaahayna waxaan idinka baryayaa inuu idinku asturo, kuna guuleeystaan daminta khilaafkan”.
Cabdilaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dadweynuhu waa Dad Sharaf leh, waxa laakiin inagu badan Caadifada, booq iyo khilaaf ayaa dhacay, haddii meel waxa ka dhacaan Biyo ayaa lagu rusheeya oo lagu damiya, balse meel haddii uu dab qabsado Baadirool lagu rusheeyo, oo laga sii huriyo, waxaan arkaayey Dad badan Shir Jara’iid qabanaya, Magaca Gobolka,Magaca Magaalo, Magaca Degmo, Magaca Xaafada, Magaca Salaadiin, Magaca Hogaamiyaal Beeleed, Magaca Rag ama Haween ha sheegteen,oo dhinaca aad u cambaareeynaya, oo waxa aanay u qalmin ku sheegaya, Waxaan leeyahay Madaxweynaheenu waxa uu u haaban yahay talo, wuxuu u baahan yahay Nin la taliya oo ku taakuleeya hawsha Qaranka ee uu wado, wixii khaldana u sheega oo ku yidhaahda waxaas sax Madaxweyne, laakiin Nin dad caaya faa’iido u keeni maayo, Nin ka ag ooyaana waxba u tarimayo,marka waxaan ku talinaya oo aan leeyahay ha la joojiyo Shirkan jara’iid ee la qabanayo, ee dhibta mooye faa’iidada lahayn, ee Magaca Beeleed, Magaca Xaafadeed iyo Magaca Saldanadeed la sheegaynayo, oo dhinaca ka mid ahna labadan Garab sii carinayso, inta Guurtida ay hawshan Gacanta ku hayso waa in la joojiya Hadaladan, Ololana laguma jiro hadda, Labadan Garabna midina cay ma muteeysto, Labada wanaag aynu kula talino”.
Cabdilaahi Jawaan oo ka hadlaya Qarxayadii dhawaan ka dhacay Magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Saddexdii Qarax ee Shaanida ee Hargeysa ka dhacay, waxa ridaya Illaahay ayaa og, oo inagu ma ogin, qofkii arkayaana wuu qaban lahaa, tuhunkana waxa aan u arkaa inuu yahay Dhuuso Shaydaan, waxaana laga yaaba in cid cadaw ahi sameeysay, meesha ma qabato in loo aaneeyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, runtiina ma gayo in la yidhaahdo isaga ayaa ka dambeeya Qaraxyada Shaanida, Muuse Biixi waa Raggii Naftooda u huray in Wejigooda Xabadi ku dhacdo, waa Raggii dalka u soo dhintay, ee dhidibada u taagay Somaliland, wixii ka khaldan waa ka qaban kara, oo waa la sixi kara, balse hadalka la leeyahay Shaanida aad qarxisay Madaxtinimo ku heli maysid, halaga taayo, waxaan maqlaayey dhanka kale Nin lahaa Xukuumadda Argagaxiso iyo Alshabaab ayaa ku jirta, hadalkiisa wax meesha yaala oo ina qabta maaha, Xukuumaddu waa Xukuumaddeeni, Madaxweynuhuna waa Madaxweynaheenii, markaas wax walba oo Sawir xun inaga muujinaya ee Caalamka si kale inoogu arkayaan ha la inaga daayo, in Nin Wasiir hadalo oo yidhaahdo Madaxda Kulmiye ayaa ka dambeeyey Qaraxyada Shaanida waa Ceeb, waa khalad, ma gayaan, waana in laga daaya, hore cidii u tidhina yaanay dib ugu noqon”.
Xigasho: Geeska
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com