Xogo Daaha Ka Rogay Sababihii Xilka Looga Qaaday Wasiirkii Hore Xidhiidhka Golayaasha Oo ay Qurbejoog Heshay
Hargeysa:June,04,2014(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaya Xogaha qarsoonaa iyo xuddunta khilaafka ka dhex qarxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisii hore ee Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame oo uu shalay ka xayuubiyey xilkii wasiirnimo.
Xogaha ay helayso degel-wareedda Qurbejoog.com, ayaa sheegaya inuu jirey khilaaf cakiran oo madaxweynaha iyo wasiirka dhexyaallay muddo badan, kaas oo arrimo kala duwan la xidhiidhay.
Dhibaatada ugu weyn ee wasiirka iyo madaxweynuhu isku qabteen ayaa ahayd inuu wasiirku weyn uga biyo diiday Wasaaradda uu gacanta ku hayey oo aan wax shaqo ah dalka ka haynin, isla-markaana aan loo samaynin shaqadii ay qaban lahayd, waxana uu wasiirku in badan madaxweynaha ka codsaday inaanu haynin wax uu qabto, isla-markaana aanu aqoonin wixii uu madaxweynuhu u igmaday.
Waxa la sheegayaa inuu wasiirku madaxweynaha u sheegay in kaliya magaabid wax aan dhaafsiisnayn aanu ka haynin xukuumadda, isla-markaana aan Budget-ka loo qorsheeyey ku filayn wasaaradda iyo shaqaalaha lagu soo qoray, waxana uu madaxweynaha ka codsaday in awood la siiyo uu shaqooyin ku qabto, maadaama aaay jirin wax xidhiidh Golayaal ah oo haatan laga shaqayn karaa.
Waxa soo kordhay niyad-jabka uu wasiirku ku qabay Goobta lagu magacaabay wasaaradda, waxana uu badiyey cabashadii uu madaxweynaha kula noqnoqnayeyey, isagoo markii dambe madaxweynaha ugu daray inaanay beel ahaan ku qancaynin inay iska fadhiyaan Goob aan wax shaqo ah, awood iyo galangal dawladeed midna lahayn oo kaliya magac uun ah.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inaanu bixinin cudur-daar ku filan wasiirka, waxana uu u sheegay inuu halkaasba khasab ku sameeyey oo iskaga samro, maadaama uu haysta Heer wasiirnimo, kana tirsan yahay Golaha wasiirrada ee Qaranka, balse Wasiirku arrintaas si weyn ayuu uga Biyo diiday oo uu uga cawday goobta uu joogo oo uu u arko meel cidla ah.
Waxa kale oo jirey khilaaf in badan ka dhex qarxay wasiirka iyo agaasimihiisa Guud oo ay isku qabsadeen Waxoogaaga Budget-ka, waxana dhacday in gartooda in badan la galay oo xal loo raadiyey.
Niyad-jabka wasiirka ayaa in badan sii socday, waxana uu noqday nin iska dhex jooga Goob fadhiid ah oo aan qaranku ku xisaabtamin, isla-markaana shakhsiyaadka ku qorani ay ku qaataan waxoogaaga mushaharka ah marka bishu gaadho, balse wasiirku arrintaas kuma qanacsanayn.
Sidoo kale waxa la sheegayaa inuu ayaamihii ugu dambaysay wasiirkan la eryey ka gaabiyey Shaqadii ay wasiirada kale qabteen markii khilaafka kulmiy dillaacay, waxana uu iman waayey Golayaasha Wasiiradu madaxweynaha ugu sheegayaan inay taageerayaashiisa yihiin, isla-markaana si weyn uga soo horjeedaan Musharraxnimada muuse Biixi, waxana taasi keentay in wax badan la iska weydiiyo.
Waxa madaxtooyada galay sida aanu wararka ku helnay inuu wasiirku mar haddii uu madaxweynaha agtiisa tegi waayey u xaglinayo dhinaca Muuse Biixi, waxana taasi keentay in il gaar ah lagula socdo dhaqdhaqaaqyadiisa.
Sida aanu warka ku hayno maadaama arrinta kaliya ee maalmahan laguu kala macaashaa noqotay In la isku wangalo taageerada Muuse Biixi, waxa dhawaan xubno ka mid ah wasaaradda Xidhiidhka Golayaashu madaxtooyada u gudbiyeen Warar sheegaya in wasiiku xidhiidh hoose la leeyahay Guddoomiyaha kulmiye, isla-markaana uu u gudbiyo siro hoose oo madaxtooyadu leedahay, taas oo uu ogaaday, isla-markaana maalintii shalay shaqaalihiisii dibadda dhigay oo uu xafiiskii xidhay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa markiiba loo Gudbiyey tallaabada uu qaaday wasiirku,waxan uu si fudud u go’aansaday inuu dibadda dhigo si uu culayskiisa iskaga yareeyo.
Wasiirkan ayaa madaxtooyada dhexdeeda looga arkay nin aan la jaan-qaadi karaynin kooxda Kacaamaysan ee Madaxweynaha ku hareeraysan, waxana la aaminay inay haboon tahay in beddelkiisa la raadiyo.
SDN/QJ-Hargeysa