Madaxweynaha Mareykanka Obaama oo Soomaaliya u soo magacaabaya Safiir,Halkeese xaruntiisu noqon doontaa?
Washington June 04, 2014(SDN/QJ)-Madaxaweynaha dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa markii u horeysay 20 sanadood in uu Soomaaliya u soo magacaabo safiir.
Sidaa waxa ay saxaafadu ka soo xigatay Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibedda Wendy Sherman oo xogtaasi shaacisay mar ay khudad jeedineysay.
Sherman ayaa sheegtay in haatan ay muuqato in xaalada Soomaalida ay ka soo hagaageyso isla markaana haatan la gaarey in la taageero isbedelada Soomaaliya.
Safiirka ayaa lagu wadaa in uu madaxweyne Obama oo haatan socdaal ku maraya Yurub uu dhawaan ku dhawaaqo.
Safiirka Mareykanka ayaa saldhigiisu noqon doonaa magaalada Niarobi ee dalka Kenya, taas oo aan wax badan ka bedeli doonin xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ee haatan.
Mareykanka ayaa cilaaqaadyadii u jaray Soomaaliya ka dib kolkii 18 ka mid ahaa ciidamo Mareykanka ah lagu dilay Muqdisho sanadii 1991kii.
SDN/QJ-Washington
contact@somalidiasporanews.com