Madaxweyne Siilanyo Oo Digreeto Uu Soo Saaray Xilkii Kaga Qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolajiyada
Haragaysa:03,June,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa Digreeto Madaxweyne Xilkii uu qaranka u hayay kaga qaaday Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Md. Aadan Axmed Warsame.
Ujeedada Xilka qaadista ayaa uu Madaxweyne Siilanyo ku sheegay inay ka danbaysay Cabashooyin iyo Xil-Gudasho la’aan uu muujiayay Masuulkani.
Waxaana sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed goordhayd kazoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul,oo Nuqul ka mid ahi Soo Gaadhay Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com.waxaana uu dhiganaa sida tan : “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda
Mudane,
Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
SDN/QJ-Hargaysa