Baarlamaanka Somaliya Oo Ka dib Weerarkii Lagu Qaaday Todobaadkii Hore Maanta Dib Loo Furay,Iyada Amaanka Aad Loo Adkeeyay
Muqdisho:03,June,2014(SDN/QJ)- Barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dib u furmaya oo leh fadhigii ugu horeeyay tan iyo markii weerarkii xarunta baarlamaanka lagu qaaday 24kii bishii hore oo ilaa 20 qof ay ku dhinteen. Waxaana aad loo adkeeyay amniga gudaha iyo agagaarka baarlamaanka.
Wararka ay helayso Shabakadda Wararka Caalamiga ee Qurbejoog.com,ayaa sheegay Fadhiga Maanta ay ka Qeyb galayaan Madaxda ugu saraysa ee Dawladda Federaaliga ee Somalia sida: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cabdiwali Sheekh iyo Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya Jawaari.
Sida laga war Qabo Weerarkii Argagixiso ee algu qaaday Xarunta Baarlamaanka Somaliya,ayaa waxay galaaftay Shaqadii Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Somaliya,oo lagu xaman jiray inay xidhiidh dhaw leeyihiin Madaxweynaha Somaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kasta ba ahaatee Xildhibaanadda Baarlamaanka Somaliya iyo Xarunta Baarlamaankaba waxa ka muuqatay Saamaynta uu ku yeeshay Weerarkii Todobaadkii hore ;lagu qaaday Xaruntaasi.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com