|

Mareykanka oo muwaadiniintooda uga digay weeraro ku foogan Itoobiya

Adis Ababa June 03,2014(SDN/QJ) Safaarada Mareykanku ku leeyahay Adis Ababa ayaa digniin ay soo saartay wax ay muwaadiniintooda uga digeen in ay booqdaan dalka Itoobiya oo ay sheegeen in kooxda Al-Shabaab u maleegeyso weeraro.

Safaarada ayaa sheegtay in ay heleyso digniino isdaba jog ah oo ku saabsan weerar ay shabaabku qorsheeyeen oo aan xiligiisa aaney cayimin.

Muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan Itoobiya ayaa loo sheegay in ay si feejgan isu ilaaliyaan inta ay Itoobiya joogaan,

Safaarada waxa ay digniinteeda ku sheegtay in Shabaabku weeraradooda la beegsan doonaa goobaha reer galbeedku dalkaasi ku leeyahay.

Mareykanka Ayaan hore looga baran in uu digniino noocan ah ka soo saaro wweraro ay suurtogal tahay in lagu qaado dalka Itoobiya.

SDN/QJ-Adis Ababa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed