Turkiga Oo Soo Saaray Waarano Lagu Soo Qabanayo Saraakiil ay Ka Mid Yihiin Axmed Godane iy Xasan Daahir Aweys
Ankara:June,03,2014(SDN/QJ)-Xubno sare oo ka tirsan Hoggaanka Alshabaab iyo ururka kale ee Xisbul-islaam ayey maxkamad ku taalla Dalka Turkigu soo saartay waaran lagu soo qabanayo.
Saraakiishan la doonayo oo tiradoodu dhan tahay 5-xubnood ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahaayeen Falkii Is-qarxinta ee bishii July 28-kii ee sannadkii hore lala beegsaday Dhismaha Safaaradda Turkiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.
Hoggaamiyayaasha iyagoo maqan ay Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Turkiga u jartay Waaranka soo qabashadda ayaa kala ah: Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Abdi Aw-Mohamed, Ku-xigeenkiisa, Sheekh Mukhtaar Roobow, Fu’aad Mohamed Khalaf, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Hassan Abdillaahi Hersi Al-turki.
Dhinaca kale, Dacwad-oogaha Maxkamadda Ankara waxa uu codsi u diray Ciiddanka Caalamiga ee INTERPOL, si loo soo saaro amar lagu soo xidhayo Shanta qof oo la sheegay inay maleegeen qorshaha lagu weeraray Safaaradda Turkiga ee magaalladda Muqdisho.
Weerarkaasi waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa qeybta Amniga ee Safaaradda iyo 3 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, oo mid ka mid ah isku qarxiyey gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Waa Markii ugu horraysay ee saraakiil sare oo ka tirsan Alshabaab ay xukun ka riddo maxkamada ka baxsan Somalia, lamana oga aragtida Madaxdan Ururka Alshabaab ka bixin doonaan arrintan cusub.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com