Markab Iran Leedahay Oo Si Dirqi ah Lagaga Badbaadiyey Budhcad-badeed
Tehran:June,03,2014(SDN/QJ)-Xubno ka tirsan Ciidamada Dalka Iran ee qaybta ka ah dagaalka lagula jirto Budhcad-badeedda ayaa shaaciyey inay Badbaadiyeen Markab markaba ku gooshayey Biyaha Badda Cadmeed.
Taliyaha Badda Iran Admiral Habibollah Sayyari0, ayaa sheegay in Budhcad-badeeddu ay weerareen isntiintii shalay markabkaas balse ay ciidanka dalka iiraan arrintaas fashilyeen oo ay ka hortageen.
“Ciidamada 30-aad ayaa badbaadiyay markab Iran laga leeyahay oo marayay meel ku dhow deegaanka Bab-el-Mandeb, kaasi oo ay doonayeen inay afduubtaan”sidaasi waxaa saxaafada u sheegay Admiral Sayyari.
Wuxuu sheegay in 23 ruux oo dooni watay ay qorsheeyeen afduubka markabka Iran laga leeyahay, laakiin ay guul dareysteen iyadoo ay ugu wacan dadaalka ay sameeyeen ciidamada dowlada Iran, isagoo intaa ku daray in markabka uu iminka bad qabo.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadaasi qeybta ka ah la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan inay ilaaliyaan maraakiibta isticmasha biyaha gacanka cadan iyo meelaha ka baxsan.
Ciidamadaasi ayaa qeyb ka noqday howlgalka la dagaalanka budhcad badeeda sanadkii 2008, markii kooxo budhcad badeed Soomaali ah ay afduubteen markab dalka Iran laga leeyahay xili uu marayay biyaha xeebaha Yemen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com