|

Dalka Syria oo looga dareeray doorashooyin xili uu dalkaasi ay ka socdaan dagaalo sokeeye

Demishiq June 03,2014(SDN/QJ)-Dalka Syria oo sadexdii sano ee u danbeeyay ay ka socdeen dagaalo sokeeye ayaa looga dareeray cod bixin lagu soo dooranayo madaxweynaha dalkaas ee todobada sano ee soo socota.

La yaabkuna waxa uu noqday markii u horeysay in tartanka ay isu soo taagaan dhawr ruux oo tartamaya, taasina waxa ay ku timi dawlada dalkaas oo dooneysa in ay dunida u muujiso in doorashooyinku xal u yihiin colaadaha dalkaasi.

Mucaaridka dalkaas ayaase doorashooyinka ku tilmaamay qaar indho sarcaad ah oo dunida iyo shacabka Syria lagu marin habaabinayo.

Waxa lagu wadaa madaxweynaha dalkaas ee Bashaar Al Asad in dib loogu doorto todobada sano ee soo socda.

Qurbejooga dalka Syria ayaa qudhooda fursad u helay in ay codeynta ka qeyb qaataan.

Raiisul wasaaraha dalka Syria Wael al-Halqi ayaa ku booriyay shacabka dalkaas ku booriyay in ay ka qeynqaataan.

Wasaarada Arrimaha Guddaha ayaa sheegtay in 15.8 million oo ruux ay codka dhiibanayaan isla markaana 9.600 oo goobood oo codadka laga dhiibtana la diyaariyay.

SDN/QJ-Dimishiq

contact@qurbejoog,com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed