Waxa La Gaadhay Waqtigii Isbedelka!
Maanta wuxuu dalku marayaa meel adag, waxa daaha laga qaaday qabyaaladi, waxa xadhkaha goostay musuqmaasuqi, waxa god madaw lagu riday caddaaladi. Waxa la xakameeyay xoriyatal qawlkii saxaafada. xukuumada iyo xisbiga kulmiye waxaynu ka dhaxalay kala qoqob, eex iyo sinaan la’aan, waxa loo baahanyahay in caqlig iyo cilmigu shaqeeyo cida la rabo inay dalka samato bixisa waa aqoonta dhallinyarada. Xisbiga waddanina wuxuu aaminsanyahay in fikirka iyo aqoonta dhallinyarada dalka lagu horumarin karo, in dhallinyardu tahay lafdhabarta Somaliland, waana xisbi tixgaliya tallada, argatida, iyo fikirka tolmoon ee dhallinyarada. Somaliland way aragtay hogaaminta habawsan, horumarka dhalanteedka ah, ee xisbiga kulmiye iyo xukuumada madaxawyne siilaanyo gadhwadenka ka yahay, dalku wuxuu u baahnyahay isbedel haboon , somalilanda waxay u baahantahay hogaamiye samata bixiya oo sameeya horumar dalka wada gaadha , odhan mayno Waddni ahaan waxa soo hoori doona daruuro masno ah, ee waxaanu leenahay waxaynu heli doona maamul suuban oo saxan iyo dawlad Somaliland oo dhan deeqda oo ku hagta ummada midnimo sinaan, wada jir, waxa wada qabsi. Dhallinyarada Somaliland way dayacantahay maanta, xoogeeni aqoonteeni iyo labeentii dalkeenu waa kuwaa boqol boqol u tahriibaya ee badh magafe haytso, badh baddaha dhexdooda libaax baddeedka hilbahoodi ku casheeyey, badha waa kuwa yurub ku jira jeelasha caydh, kaamamka iyo qaxoontiga. badhna waa kuwa ku shaqada la’ dalka ee aan haysan jihayn, danayn iyo daryeel dawladeed. Ciideena hooyo waa laga curin karaa nolol ta yurub taal ka haboon, hadii la weeleyo cashuurta oo daacadnimo lagu hago dalka, maamul wanaag, dawlada danayaynsa shacabka iyo hogaamiye xilkasana la helo. mee balan-qaadki iyo fariimhi ololaha Kulmiye ee dhalinyarada rajada ku beeri jiray, Udub way tagaysa ha tahriibina, waxay ahayd ha tahriibinee kulmiye u codeeya markaad codaysaana madaxiin banaan. Miyaany sidaa ahayn? Madaxwayne meeday dhiiranaantadi, hiilkada u ahayd dhallinyarada iyo balanqaadkagi tolmoona, ma hadhka daarta madaxtooyada ku bedel, mise ujeedadu waxay ahayd in dhallinyarada salaan aad ku fuusho madaxtooyada kuu noqdaan. Dhallinyardu waxay xaq u leedahay inay hesho mustqabal hirasho leh, shaqooyin wanaagsan iyo nolol haboon oo la mida nolosha aynogooda dunida ku nooli ku dhaqanyihiin. waxaan hubaa oo aan aaminsanahay in aynu gaadhi doono himiladaas marka aynu helno hogaan inala aragtiya oo dhallinyarada la dareen iyo damqasho ah. Xiniinyo meel adagbay yaalan. maanta waa maalinti is bedelka, waa maalinti codku hiilin jiray, maku ciil baxna dhallinyarooy codkeena? nin dhallinyara oo aan la sheekaystay kana mid ahaa dhallinyaradi nafta u hurtay isbedelka dhalnteedka ah ee kulmiye ayaa I yidhi waxaan maanta is idha hadh iyo habeen mayska jarta farti aad ugu codaysay kulmiye! may iska jarimayno farahee istaaq furulaa ayaan leenahay. maantaba is bedelku horteenu yaal. Waxaan leeyay geedku kulmiye beeray hadh yeelan waa. Xukuumadu kulmiye dhalayna horumar iyo hirasho laga waa. Mudane madaxwayne ilmaha ku cagaagan laas qoray ilaa lawyo cado, hooyada ku haraadan bari ilaa galbeed, dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku bilaa camlaka ah gobolada iyo degmoooyinka dalka, dadka dayacan ee aan haysan adeeg bulsho, adaa lagu waydiinayaa oo masuul ka ah. Caddaaladi iyo sinaantaad ku dhaartayna waa xisaab taal. Xisbiga Waddani waa xisbi tallo waadag, waa xisbi loo yagleelay in Somaliland himiladeeda hungawday iyo horumarkeeda ragaaday sannadaha badan in lagag midh dhaliyo oo dalka lagu gaadhsiyo horumar waraa, waxaan hubaa oo aan aaminsanahay in xisbiga Waddani dalka samatabixn karo waxaan ku kalsonahay aqoonyahanka indheergaradka hagaaya ee hogaanka u haya. Dalka maw midawnaa? Somaliland horumarkeeda maw midawnaa? Gacamaha maysku qabsana sidii aynu u gaadhi lahayn yoolkeena? Haday haa tahay aynu taageerno oo cudud, cilmi iyo cuud gelino Xisbi waynaha waddani. dhallinyarooy ceelka cidba qoda cidna way u aydaa xisbiga waddanina waxa u aayi doona dhallinyarada somailand. Guul iyo gobonimo. Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani. Maxamed Sadiiq Dhamme Msadiiq@hotmail.com