“Markaan Idhi Waxaan Ahay Musharax Dagaal Cir Iyo Dhul Ah Ayuu Madaxweynuhu Qaaday” Muuse Biixi Cabdi
Hargaysa:02,June,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga taladda Somaliland haya ee Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta Markii ugu horay ka hadlay Gudiga Dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida iyo Halka ay wax marayaan.
Waxaa uu sheegay in Guddigu ay u Goleeyeen laba dhinac ee is haysta oo ay Garabkooduna u sheegeen halka ay sartu ka qudhuntay ee uu Khilaafka Xoogani ka dhashay,isaga oo carabka ku dhuftay in dhibaatada haatan Taagani ay kazoo Bilaabantay ka dib markii sida uu sheegay Shir-Gudoonkii Shir-weynaha Xisbiga Kulmiye ay soo saareen wax ka duwan waxii laysku ogaa.
Waxaa Ina Biixi tilmaamay inay Nasiib Daro-tahay in Maanta uu Sawirkiisu Somaliland oo Danbi ka noqdo.waxa uu sheegay inay Xidhitaanka Wasiirkii Ku-xigeenkii hore ee Arimaha Gudaha ay tahay Xadhig Siyaasadeed oo aan loo baahnayn,isaga oo Saluug xoogan ka muujiyay Habkii loo qabtay oo Habeen Gurigiisa looga dhacay.
Gudoomiye Muuse Biixi,oo ka hadlayay ku dhawaaqistii Musharaxnimada iyo waxa ay dhaxal siisay waxa uu sheegay in arintaasi ay si weyn uga dideen Madaxtooyada Somaliland,isaga Iftiimiyay in aanay Jirin wax hoose ama Heshiis hoose ooa ayMadaxweyne Siilanyo isku ogaayeen,oo aan ahayn inay yihiin laba nin oo Xisbiga Wada leh.
Ugu danbayntiina waxa uu Muuse Biixi Si Kulul u weeraray Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo si dadban ugu eedeeyay inuu ku Fashilmay Amaankii Dalka,isaga oo dhinaca kalena iska Fogeeyay inuu ku lug leeyahay Qarxyada Shaanida ee Magaaladda Maalmahan Hadhaysay.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com