Madaxweynaha Somaliland oo Hada Hargaysa ka Furaya Mashruuca Laga Dhaliyo Tamarta Dabaysha
Hargaysa 02.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialand Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka xadhiga ka jaray Mashruuc Laydhka Dabaysha laga dhaliyo ah (Wind Power) kaasoo Madaarka Hargeysa iyo xaafadda Masalaha siin doona Koronto ku filan oo jaban.
Mashruucan oo socday in muddo ah waxa iska kaashaday wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo wasaaradda Duulista waxaana Maal-geliyey midawga Yurub, waxaana loogu talogalay sidii Madaarku u heli lahaaKoronto ku filan oo hadh iyo Habeen shaqaysa.
Nidaamkan oo ku shaqaynaya Marawaxado waaweyn waxa uu dhalinayaa Koronto ka badan baahida Madaarka Hargeysa, waxaanay taasi sababtay si loo gaadhsiiyo bulshada degan xaafaddaha ku dhaw madaarka in ay wasaaradda Tamartu qandaraas ku bixisay iyadoo ay ku guulaysatay shirkadda Kaah Elecric oo gacanta ku haysa inta badan Korontada xaafadaasi.
Mashruucan oo Tijaabo ah ayaa la filayaa marka si rasmi ah loo hirgaliyo in lagu baahin doono xaafadaha kale ee Hargeysa iyo Goboladda Dalka oo dhan asida ay wasaaradda Macdanta iyo Tamartu hore u shaacisay, isagoo kani noqon doono tijaabada ugu horaysa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo dhaweeyey Mashruucan, waxaanu hay’addaha ay khusayso ka dalbaday in la balaadhiyo isla markaana laga faa’iidaysto.
Warbixin wasaaradda Tamartu hore uga soo saartay noocyada Korontada ee ay Somaliland hodanka ku tahay ee aan laga faa’iidaysan ayaa lagu sheegay in qorshaheedu yahay in Dalka oo dhan laga hirgaliyo dhawr mashruuc oo kala ah ka faa’iidaysiga Tamarta Dhuxul dhagaxda, taasoo ay shirkadd shine ahi dhawaan ku samaysay Xog ururin.
Sidoo kale, Tamarta laga helo Hawada iyo ta dhulka Hoostiisa ayay wasaaraddu ku sheegtay in ay tahay wajiyada kale ee ay ku dedaalayso in Somaliland soo saaristooda Horumar ka samayso.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com