Degmooyinka Boorama & Gabilay oo Wada Yeeshay Kulan Ku Wajahan inay Is Taageeraan
Boorama 02.June 2014 (SDN/QJ)- Xoghayayaasha degmooyinka Boorama iyo Gabilay oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golayaasha degeenka ee labadaas degmo ayaa kulan ku yeeshay magaalada Gabilay, waxanauu kulankani qabsoomay ka dib markii xoghayaha Degmada Boorama Xasan Yuusuf Riiraash oo uu weheliyo Xil. Cabdiwahaab Bashiir ay tageen Magaalada Gabilay oo uu ku casuumay xoghayaha Degmada Gebilay Md. Cabdiraxmaan Cumar Abokor.
Kulankan ay labada Xoghaye iyo xildhibaanadu wada yeesheen ayaa waxa uu gundhigiisu ahaa usii gogol xaadhka wanaajinta xidhiidhka labada degmo, iyo sidii loo kobcinlahaa istaageersiga iyo wax wada qabsiga labada degmo ee Boorama iyo Gabilay oo iyagu ah degmooyin wadaaga xuduud balaadhan.
Xoghaye Xasan Yuusuf Riiraash oo shabakada la hadlay ayaa waxa uu uga waramay wixii ka soo baxay kulankii uu la yeeshay dhigoosa degmada Gabilay waxanauu yidhi “Waxa noo farxad ah in aan kulan balaadhan oo muhiim ah la yeelano madaxda fulinta degmada Gabilay iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaa degaanka ee degmada Gabilay, runtii waxa aan kulankan kaga wada hadalnay xoojinta xidhiidhka labada degmo ee dhinacyada is waydaarsiga waayo’aragnima shaqooyinka danta guud ah ah iyo fulinta mashaariicda, sidoo kale waxaaan isla soo qaadnay sidii degmooyinka aan masuulka ka nahay ee Boorama iyo Gablilay looga dhigi kuwo garabka isku haya isla markaana wadaaga iskaashi balaadhan oo taabanaya dhinaca hormarka socda, adkaynta nabadgalaya, xoojinta midnimada IWM”
Xoghaye Xasan Yuusuf Riiraash ayaa waxa kale oo uu xusay in degmooyinka Boorama iyo Gabilay ay yihiin labo dagomo oo jaar ah dadka ku noolna ay yihiin dad wadaaga dhaqan sokeeye, waxana uu yidhi “Dadka ay masuuliyadu naga saran tahay eek u dhaqan degmooyinkani waa dad walaalo ah oo wadaaga dhaqan sokeeye, sidaas aawadeed waxa naga go’an ka’ masuuliyiin ahaan in aan adkayno xidhiidhka wanaagsan ee dadka iyo dawladaha hoose ka dhexeeya, sidoo kalenau gogol xaadhno hormar mustaqbalka ah oo ka hana qaada degmooyinkan”
Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha degmada Boorama Md. Xasan Yuusuf Riiraash ayaa tan iyo intii uu qabtay xilka degmada waxa uu dadaal badan ku bixiyay sidii xidhiidhka ka dhexeeya degmada Boorama iyo degmooyinka kale ee dalku uu u noqon lahaa mid wanaagsan oo muraayad u ah hawlaha ay bulshada u hayaan dawladaha hoose, sidoo kale booqashadan uu maanta ku tagay Gebilay ayaa waxa ay daba socotaa booqasho hore oo ay xidhibaano kale oo 13 degmo oo dalka ah ka socday ku yimaadeen Boorama dhawaan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com