|

Booliskii Ugu Badnaa Abid Oo Xalay La Soo Dhoobay Badhtamaha Caasimadda Iyo Qaybo Cusub Oo Lagu Dhex Arkay

Hargeysa:June,02,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Hargeysa la soo dhoobay Ciidankii Booliska ahaa ee abid lagu arko caasimadda, kuwaas oo la arkay inyar kadib qaraxii saddexaad oo xalay ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada.

booli Ciidamada xalay la dhoobay waddooyinka kala duwan ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa ayaa ahaa qaar si weyn u feejigan, kuna qalabaysan noocyada kala duwan ee gaadiidkooda, iyagoo gaaf-wareegayey Goobaha isgoysyada ee Caasimadda, isla-markaana si weyn u baadhayey Gaadiidka Dadweynaha.

Ciidamadan Booliska ah ayaa u badnaa kuwa  u tababaran la dagaallanka argaxisada ee RRU-da loo yaqaanno, kuwaas oo watay Gaadiidkooda gaarka ah iyagoo aan meelna istaagayn, balse wareeg ku marayey magaalada Gudaheeda.

Waxa xalay markii ugu horraysay Badhtamaha Hargeysa lagu arkay iyagoo raxan-raxan u socda Qaybta Booliska ee sida gaarka ah ula dagaallanta Waxyaabaha Qarxa ee loo yaqaano “Bolis Bomb Disposal”, kuwaas oo wali  ku raad-jooga waxyaabaha qarxa ee Habeenadii ugu dambaysay lala beegsaneyey  Goobo caasimadda ka tirsan.

 

Wali lama sheegin cid ay ciidankaasi gacanta ku soo dhigeen iyo inay Heleen inuun waxyaabahan magaalada Lagu qarxinayo, balse waxa la dareemay inay dedaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.

 

Shacabka ayaa  indhahooda ku arkay dedaalada Ciidamada Boolisku ay ku wadaan xasilinta Caasimadda iyo dhawrista Ammaanka, waxana ay si weyn ugu faraxsanaayeen Hannaanka aan leel-leelka lahayn ee ay u ilaalinayaan shacabkooda.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed