Axsaabta reer Falastiin ee Xamaas iyo Fataax oo Dawlad wadag ah dhisaya iyo Israel oo afka labadii yeedhay
Gaza June 02,2014(SDN/QJ)-Axsaabta Xamaas iyo Fatax ee dalka Falastiin ayaa goaansaday in ay wada jir ugu dhawaaqaan dawlad KMG ah oo labada dhan ka kooban.
Labada dhan ayaa heshiis nabadeed oo reer galbeedku ka cabaadeen gaaray bishii April ee ina dhaafatay.
Xamaas ayaa ka dib kolkii ay ku guuleeysatay inta badan xubnaha baarlamaanka Falastiin waxa ay isku dheceen dawladii Falastiiniyiinta ee Fatax sanadii 2006dii.
Xamaas ayaa sanadii 2007dii waxa ay xoog kula wareegtay degaanka Gaza halka Fatax ay u hadhay daanta galabeed.
Dawlada Israel ayaa intii ka danbeysay heshiiska dhinacyada Falastiin wadey olole ay dunida uga dhaadhicineyso in aan la taageerin.
Dawlada ay wadajirka u soo dhisayaan Xamaas iyo Fataax ayaa walaac weyn ku abuurtay dawlada Israel,isla markaana ku tilmaantay mid argegixiso ah.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in dawlada wadaaga ah ay noqon doonto mid nabad kula noolaan doonto deriskeeda.
SDN/QJ-Gaza
contact@somalidiasporanews.com