Garabka Muuse Biixi Oo Xalay Soo Saaray War Kale Oo Sii Fogayn Kara Xalka Khilaafka Xisbiga Ka Dhex Taagan
Hargeysa:June,02,2014(SDN/QJ)-Garabka Xisbiga Kulmiye ee uu Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Go’aankii Guddida Diiwaangelinta Urrurada siyaasiga ah iyo ansaxinta Asxaabta qaranku ku meel mariyeen Go’aanadii kala jabiyey ee Xisbiga ee Guddidii Shirweynuhu soo saareen.
Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray uga Digay Guddidan Diiwaangelinta inay qayb ka noqdaan Kala jabka Xisbiga Kulmiye.
Qoraalkan oo lagu socodsiiyey Guddida diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, lana Ogaysiiyey Madaxweynaha JSL, Xeer Ilaaliyaha Guud, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, Gudoomiyaha Golaha guurtida JSL, waxaa lagu sheegay in Liisaska Golaha dhexe iyo Fulinta wixii Go’aamo ka soo baxay Shirweynihii Kulmiye uu u gudbin Karo oo kaliya Gudoomiyaha Kulmiye, Guddida Ururada Siyaasadda iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Khilaafka Kulmiye ka dhex jira darteed loo gudbin waayay Liisaska Golaha dhexe iyo Go’aamada Kulmiye shirkiisa ka soo baxay marka loo eego dhinaca Guddoomiyaha.
“Liisaska Qoraalkooda la idiin soo gudbiyey, waa waxa sababta u ah Khilaafka Xisbiga ka dhex taagan,umadda reer Somalilandna way ogtahay. Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihii Xubnihii Shir gudoonka Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga Kulmiye oo awood aanay lahayn ku takri falay.
Sidaasi daraadeed,Waxaanu guddida diwaan gelinta ugu baaqaynaa inaanay ku dhex milmin khilaafka Kulmiye dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan, iskana ilaaliyaan in Sharciyadda cid gacan maroojiso.
Waxa kale oo aanu idin la socodsiinaynaa in xalinta khilaafka kulmiye dhexdiisa ah ay gacanta ku hayaan Golaha guurtidu, ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta socota.
Gabo-gabadii waxaanu idiin soo gudbin doonaa Liisaska Golaha dhexe, guddida fulinta iyo Go’aamadii Shirweynaha 3-aad ee Kulmiye marka Khilaafka Xisbigu Dhamaado.” Ayaa lagu yidhi Qoraalkaasi oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddida Diwaan gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa soo saaray Go’aan ay ku sheegeen in Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee ay soo saareen Guddidii Shir gudoominaysay Shirkii Kulmiye sharci yahay,Golahaasi dhexe iyo Fulintaasi oo sal u ahayd Khilaafka kulmiye.
Madaxtooyada ayaa tan iyo intii ay samaysay Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda u adeegsatay Dano gaar ah kagana baxday Dalcado adag oo aan la’aantood laga Bixi kareen, waxana ay Guddidu Haatan si buuxda u taageereen Garabka Madaxtooyada ee Muuse Biixi ka soo horjeedda.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com