|

Xisbiyaga Mareykanka oo ku kala qeybsamay heshiis AAskari Mareykan ah lagu bedeshay shan Taliban ah

Washington June 02,2014(SDN/QJ)-Xisbiyada dalka Mareykanka ayaa ku kala qeybsamay heshiis ay Talibaanku ku sii daayeen askari Mareykan ah oo ay mudo heysteen ka dib kolkii iyaga xabsiga Guantanimo Bay looga sii daayay afar ka mid ah Talibaanka galay gacanta Mareykanka.

Sgt Bowe Bergdahl oo 28 jir ah ayaa Mareykanka loo celiyay maalinamadii Sabtida.

Xisbiga Jamhuuriga ah ayaa xildhibaanadiisu ay aad u dhalileen heshiiskan lala galay kooxdan xag jirka ah.

“xagjiriinta la sii daayay waa kuwii ugu khatarta badnaa nabedgelyada Mareykanka”sidaa waxa yiri John McCain.

Jack Hegal oo ah Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ku sugan Afgaanistaan ayaa sheegay in ay muhiim aheyd siideynta Askeriga Mareykanka bacdamaa ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato.

Dawlada Mareykanka ayaa ogolaatay in xabsiga ay ka sii deyso saraakiil sare oo Taliban-ka ka tirsan,isla markaana ku wareejisay dawlada Qadar oo mudo sanad ah ay dalkeeda ku noolaan doonaan.

Dawlada Afgaanistaan ayaa qudheedu ka hortimi heshiiska muwaadiniintooda lagu geynayo dal kale.

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee dawlada Mareykanku maxbuus ku bedelato maxaabiis gacantooda ku jira,waana dooda ugu hadal heynta badan Mareykanka haatan.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed