|

Khilaafka Xisbiga Kulmiye Astaan Muujinaysa Xisbi Ku Fashilmay Hogaamintii Dalka,Taaba Galintii Dimuqraadiyada iyo Himiladii Fogayd ee Shacbiga

Mudo haatani laga joogo 23aad Somaliland waxa ay ku naaloonaysay nabad galyo marka laga reebo waqtiyo kooban oo dalku soo maray dagaalo sokeeyo oo laga dhaxlay dhibaato xoogan iyo burbur laxaadleh balse tan iyo wixii ka danbeeyay waqtigii loo gudbay nidaamka dimuqraadiga ah ee axsaabta badan Xisbiga haatan talada Somaliland gacanta ku haya ee kulmiye waxa uu ahaa xisbi ay ku midoobeen in badan oo ka mid ah siyaasiyiin caan ka ahaa gayigan Somaliland samaystayna shuruuc iyo nidaam maamul oo uu xisbigaasi ku kala danbeeyo taasi oo keentayna in doorashadii 2010 ka qabsoontay Somaliland uu xisbigu ku guulaysto taladii dalka oo waqtigaasi uu gacnata ku hayay Xisbigii UDUB ee taaba galiyay dimuqraadiyada dhalisay doorashooyinkii xorta ahaa ee dalka ka qabsoomay.

 

Guushii Xisbiga Kulmiye ku hantay talada dalka 2010kii waxay ahayd isbedel cusub  bulshadu indhaha ku kala qaaday maadaama oo xisbigani noqoday markii ugu horaysay talada dalka ay gacanta ku dhigaan asxaabta markaas mucaaridka ahayd waxaana xiligaas dhismaha xisbigu ahaa mid si ay isku wada mida isugu waafaqsanyihiin xubnaha xisbigaasi hogaankii xisbiga ee hore jiray.

 

Mudo bil ka dib ah markii madaxweyne Siilanyo talada dalka gacanta ku hayay waxa ku wareejiyay gudoomiyinimadii xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi oo waqtigaasi ahaa Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Xisbiga islamarkaana uu hore u jiray Heshiis Dhigayay in waqtiga talada dalka uu xisbiga Kulmiye Gacanta ku Dhigo lagu wareejiyo muuse Biixi Gudoomiyinimada Xisbigaasi.

 

Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye mudadaasi ka dib ma uu ahayn mid ay wada shaqayn buuxdaa ka dhaxaysa Xisbiga iyo Xukuumada iyadoo ay soo baxayeen xubno ka tirsan Hogaanka Xisbigaasi oo uu ka mid ahaa Mudane C/raxmaan Cabdi Qaadir oo ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii 2aad ee Xisbigaasi inay eedo u soo jeediyaan wasiiro ka tirsan xukuumada uu soo Dhisay Madaxweyne Siilanyo waxaana taasi ay dad badani isla waqtigaasba u arkayeen in weli xisbiga Kulmiye u haysto inuu mucaarid yahay oo dhexdiisa eedo isu jeedinayo.

 

Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee Dhacay sanadkii 2012 waxa uu noqday mid markii ugu horaysay dibeda u soo saaray cadaawada dhexdooda taala,Ninjeclaysiga iyo sida aanay dacaad uga ahayn in xisbigaasi noqdo mid sumacad badan sii yeesha ka dib markii shirweynaha dhexdiisa jidh dil iyo hagar daamooyin kale loogu gaystay Mudane Cabdi Raxmaan Cabdi qaadir Faarax oo ka mid ahaa Ragii Xisbiga Asaaskiisa iyo Dhismihiisa Gacanta Weyn ku lahaa.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo waxa uu isku shaandhayno waqtiyo badan ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo agaasimayaasha guud kuwaasi oo qaarkood eryay halka kuwa kalena ay iskood isaga casileen xilalkii ay hayeen taasina ma ay noqonin mida daawo u noqota tabashada shacabka iyo dareenada laga qabay wasiiro ka tirsan xukuumadaasi oo iyagu aanay saaamayn marnaba ku yeelanin eriga iyo isku shaandhaynta madaxweynuhu.

 

Si Kastaba ha ahaatee waxaa Mudo haatani Gaadhaysa Sanad Marba dib u dhac weyni ku imanayay Shirweynihii 3aad ee Xisbigaasi kaasi oo ay si weyn u hadheeyeen khilaafaad xisbiga dhexdiisa ah kuna taxaluqay doorshada hogaanka Xisbiga iyo musharaxiinta u matalilahayd doorashada lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto sanada 2015ka .

 

Si Distuurka Xisbigaasi Dhigaayay waxa uu qorshahu yahay in mid kasta oo han leh Madaxda Xisbiga Kulmiye uu ku tartami karo Doorashada Hogaanka Xisbiga iyo Musharaxnimada madaxtinadaba balse waxaa muuqatay in qorshuhu u muuqday mid cid waliba dan gaara ka lahayd shirkaasi si qorshaheedu u guulaysto.

 

Dhanka Madaxweyne Siilanyo iyo Xubno ka tirsan Golihiisa wasiiraduba waxay qabeen in Muuse Biixi Sadka kaliya ee Helaa ay noqoto inuu ahaado gudoomiyaha Xisbigaasi halka marka shirweynaha xisbigu qabsoomana madaxweyne siilanyo noqodo musharaxa Doorashada Madaxweynaha ee aan cidi kula tartamin Xisbiga Gudihiisa.

 

Dhanka Muuse Biixi ayaa isna Qorshaha uu watay isaga iyo xubno ka tirsan Golaha wasiiraduna uu ahaa in marka la qabto shirweynaha 3aad ee Xisbiga Loogu Doorto Gudoomiyaha Xisbiga si uu awood buuxda ugu yeesho wax ka badalka iyo guda galka shuruucda xisbiga iyo waliba dhismaha golaha dhexe ka dibna isaga oo awoodaasi leh uu ku dhawaaqo inuu noqodo musharax madaxweyne oo xisbiga dhexdiisa kula tartama madaxweyne Siilanyo iyo cidii kale ee isla soo sharaxdaba.

 

Tan iyo markii Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Ku dhawaaqay hankiisa Musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye waxa ay si weyn uga xanaajisay garabka madaxweynaha oo u arkayay in muuse Biixi ku joogayo oo kaliya Gudoomiyanimada taasi oo ay bilaabantay olole hor leh oo lagu afduubayay dhismaha Golaha dhexe ee xisbigaasi iyo shir gudoonkii uu yeelanlahaaba.

 

In badan oo ka mid ah golaha wasiirada ee loo igmaday shaqooyinka qaran iyo baylahda shacabku waxa ay u muuqdeen kuwa ku mashquulay khilaafka cakiran ee xisbigaasi ka dhex taagnaa taasi oo dhalisay in qaarkood ku waayaan xilalkii ay hayeen halka hantidii qarankuna sida muuqatay si sharci daro ah ay ugu baxaysay kala jiidashada xubnaha golaha dhexe.

 

Shacbiga Somaliland waxa ay iyagu daawadayaal ka yihiin masrixiyada iyo gawaraca siyaasadaeed ee xisbigaasi ka dhex socda iyadoo ay taasi sii dheertahayna inayba ka ladi wayeen qaraxyo iyo rabshado rasaas laysu adeegsaday oo ka dhacayay caasimadii dalka horseedna ka yihiin xubno xisbigii dalka maamulayay ka mdi ah noqotayna waji gabax iyo waxaan shacabku hore uga baranin Xisbiga Kulmiye oo Muxaafida iyadoo hore loo ogaa in xisbigani waqtigii uu mucaaridka ahaa uu soo abaabulijiray mudaharaado rabashado wata oo ay kaga soo horjeedi jireen xisbigii talada hayay ee ka horeeyay ee UDUB kuna nafwaayeen rabashadahaasi in badan oo shacabka ka mid ahi.

 

Sumacadii Deganaanshaha iyo hanaankii Dimuqraadi ee Dalku waxa uu maalmahan u muuqday mid galay Mugdi siyaasadeed oo xoogan ka dib markii ay soo baxeen fadeexadaha Xisbigii dalka Hogaaminayay oo laba dhinac ah rasaas iyo hub culusna maatada dhexdeeda isu adeegsanaya.

 

Ugu Danbayntiina Fashilkani iyo Jahawareerkani Siyaasadeed ma noqonkaraa mid shacbiga la diifaysan diihaalka Sixir bararada,cunaqabataynada dhaqaale,abaaraha ka jira degaanada qaar iyo cashuuraha xad dhaaf ka ah dan u ah iyadoo intaas ay sii dheertahay in xisbiga Kulmiye Cagta Saaray Dhabaha dib u soo celinta nidaam ku dhisan qabiil oo xisbigaasina marka hada laga hadlayo xaqiiqada dhabata ah uu isku hayo waaxanad mooda in hada xaalkuba yahay maansadaii allaha u naxaristee abwaankii weynaa ii Ibraahim Gadhle ee ahayd Allahayow Doc Naageed Miyaad Igu Danbaysiisay.

 

Dayax dhacay, daleel qaawan oo, dugul madoobaatay,

Gudcur dama, habeen daaha rogay, deelalliyo foore,

Cirka oo daruurtii huwaday, fadadna doonyaystay,

Heegada daroortiyo xareed, dooxa soconaysa,

Dhankaan dayoba aashaa biyaha, dulundulcaynaaya,

 

Aniga oo dabayl iyo qabow, wada deddoonaaya,

Allahayow maxaan geel dib-jiray, kaligay doon-doonay,

Maxaa dawli aar iyo libaax, igu dinnaanneeeyay,

Dawac igu dhawaaqiyo shabeel, daafta iga raacay,

Dib u eegmadoodii maxaan, dogob galool jiidhay,

Maxaa lugaha diirkooda sare, diirtu iga leeftay,

Diihaalka baahida anoo, oon la ledi waayay,

Dermadaan ku jiifsaday anoo, duudka kala booday,

Deeq lagama quustee maxaa, dirirku ii hooray,

Maxaan doobigaygii ku shubay, Debec karuurkeeda,

Dambarkii markaan dhamay maxaan, kibir la daanshooday.

 

Allahayoow Dirxiiliyo maxaan, belo ka soo doogay,

Dunidaada Eebboow maxaan, nabad ku soo daaqay,

Allahayoow da’daan jiray maxaan, daawasho u joogay,

Arrinkii Duraayiyo maxaa, sheeko igu duuban,

Anigoo ahaan jiray dorraad, beel nin daaddihiya,

Dabo ma leh belaayee anoo, daanka qabanaayay,

Deeq iyo markay taagan tahay, doodda iyo baane,

Iyadoo rag ii daba socdoo, iga dambaynaayay,

Diyo iyo anoo qaar badnaa, dayn u kala qaaday,

Anigoo dadweynaha dhaqoo, nabad u daaweeya,

Derajada rag leeyahay anoo, daafta sare gaadhay,

Anigoon haween talo ka dayin, dirasho mooyaan’e,

Allahayow doc-naageed miyaad, igu dambaysiisay!

Doqon dheregtay maygu daaliyo igu damalaysay.

 

Gabbalkii markuu dumay illaa, dalalacdii waaga,

Anigoo darbiga yuururoo, debedda meeraaya,

Miyuu Shiikhi ii daakiroo, diiggi igu heesay,

Anigoon wakhtiga diiddanayn, doorba waxa jooga,

Anigoon damaaciyin nin kale, dahabka uu haysto,

Siduu doono yeeloow adaan, talada kuu daayay

 

 

Maxamed Cawad Maxamed

Burco Somaliland

Cawad2010@gmail.com /00252-2-4144847

 

Comments are closed