Garabka uu Hogaamiyo Gudoomiye Muuse Biixi oo ugu Baaqay Gudida Diiwaangelintu in aanay qayb ka noqon Khilaafka Kulmiye
Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)-War qoraal ah oo ay soo saareen Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayay kaga jawaabeen Go’aankii shalay ka soo baxay Guddida Diwaan gelinta ururada siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Qoraalkan oo lagu socodsiiyey Guddida diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, lana Ogaysiiyey Madaxweynaha JSL, Xeer Ilaaliyaha Guud, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, Gudoomiyaha Golaha guurtida JSL, waxaa lagu sheegay in Liisaska Golaha dhexe iyo Fulinta wixii Go’aamo ka soo baxay Shirweynihii Kulmiye uu u gudbin Karo oo kaliya Gudoomiyaha Kulmiye, Guddida Ururada Siyaasadda iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Khilaafka Kulmiye ka dhex jira darteed loo gudbin waayay Liisaska Golaha dhexe iyo Go’aamada Kulmiye shirkiisa ka soo baxay.
“ Liisaska Qoraalkooda la idiin soo gudbiyey, waa waxa sababta u ah Khilaafka Xisbiga ka dhex taagan,umadda reer Somalilandna way ogtahay. Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihii Xubnihii Shir gudoonka Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga Kulmiye oo awood aanay lahayn ku takri falay.
Sidaasi daraadeed,Waxaanu guddida diwaan gelinta ugu baaqaynaa inaanay ku dhex milmin khilaafka Kulmiye dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan, iskana ilaaliyaan in Sharciyadda cid gacan maroojiso.
Waxa kale oo aanu idin la socodsiinaynaa in xalinta khilaafka kulmiye dhexdiisa ah ay gacanta ku hayaan Golaha guurtidu, ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta socota.
Gabo-gabadii waxaanu idiin soo gudbin doonaa Liisaska Golaha dhexe, guddida fulinta iyo Go’aamadii Shirweynaha 3-aad ee Kulmiye marka Khilaafka Xisbigu Dhamaado.” Ayaa lagu yidhi Qoraalkaasi oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddida Diwaan gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa shalay soo saaray Go’aan ay ku sheegeen in Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee ay soo saareen Guddidii Shir gudoominaysay Shirkii Kulmiye sharci yahay. Golahaasi dhexe iyo Fulintaasi oo sal u ahayd Khilaafka kulmiye.
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com