|

Go’aamo La Yaab leh Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Kooxda Ku Xeerani uga Talo Geleen inay Muuse Kaga Takhalusaan

Hargeysa:June,01,2014(SDN/QJ)-Ilaa iyo Intii Madaxweyne Siilaanyo Garwaaqsaday inuu xaaladda Dalka wax beddelo oo uu u hogaamsano inuu  Tanaasul sameeyo, waxa uu shirar hoose Madaxtooyada dhexdeeda kula lahaa Xubnaha uu Taladooda Qaato ee Hadalka ay yidhiaahdaan dib loo celin iyo cidda uu kalsoonida ku qabo.

gudooooWarar hoose oo ay heshay Qurebjoog.com ayaa tilmaamaya in madaxweyne Siilaanyo shirarka uu madaxtooyada ku yeeshay lagu gorfeeyey wixii laga yeeli lahaa damaca Muuse Biixi  ee Aqalka Gudihiisa filanwaaga ka noqday, iyadoo Halkaas laga soo jeediyey Talooyin badan oo Muuse Meesha lagaga saarayo.

Xubnaha wasiirrada ah ee Majaraha u haya Dagaalka iy Gulufka ka dhanka ah Muuse ayaa si weyn uga soo horjeeda Tanaasulka Madaxweynuhu sameeyey ee La xidhiidha inuu tartarn ogolaado, waxase lagu qanciyey inaan Tanaasulku ahayn midka ay moodayaan oo uu yahay mid farsamaysan oo si weyn looga shaqeeyey.

Shirarka Madaxtooyada oo muddo badan socday, ayaa waxa in badan lagu rogrogay sidii loo heli lahaa caqabad lagu kalsoonaan karo oo Muuse loogu quus-gooyo, taas oo muddo  ka dib  Aragtidoodu siisay inay Heli karaan mid aanu waligii ka soo kici Karin.

Waxa la isla gartay in la ogolaado in Muuse  loo fasaxo inuu Tartanka Galo, balse tartankiisu aanu Noqonin mid uu xisbiga iyo Xubnaha Kaadariyiinta ah galaan-gal hoose kula Yeealan Karin.

Waxa lagu qancay in Dagaal lala galo wax kasta oo is raacin kara  ama Midayn kara Beesha uu muuse Biixi ka soo jeedo  oo maalmihii ugu dambeysay Muujisay sida ay u diiddan tahay Dacama aan Libiqsiga  lahayn   ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Kooxdiisu ku doonayaana inay Talada  mar kale si dhib yar ugu soo noqdaan, isla-markaana Xaaraan iyo dambi ku tilmaamaan cid kasta oo soo jeedisa in tartanku furan yahay.

Waxyaabaha sida buuxda la iskugu raacay ayaa  ahaa in Guddoomiye Muuse siyaasad Hoose oo Qabow lala ciyaaro muddada sanadka ah ee Hadhay, isla-markaana laga raalli geliyo qadafka uu tirsanayo si  Taageerada Beeshiisu aanay Meesha uga Bixin, isla-markaana aanay u kala dhantaalmin Cududa Kulmiye Kursiga Saarta oo Beeshaasi door weyn ku leedahay.

Si Meesha looga saaro Rajada uu Muuse ka qabo inuu Musharax Noqdo, ayaa waxa la isla gartay in Golaha dhexe oo ah Goobta lagu kala  bixi doono culayska la saaro, iyadoo waliba aan Guddoomiyaha loo muujinayn in  cid la jecel yahay Meesha la dhigayo, balse Isaga Talada Golaha dhexe Inteeda Badan la siiyo oo uu magacaabista gacan Bannaan ku yeesho.

Waxyaabaha wasiirradu soo jeediyeen ayaa wax aka mid ahaa in magacaabistiisa kadib lala wareego aqlabiyadda Golaha dhexe oo ah halka musharaxa xisbigu ka soo bixi doono, iyadoo la isticmaalayo Awoodda Dawladda iyo waliba dhaqaalaha umadda oo horeba intii qalaalaha xisbigu socday loogu isticmaalay kala furfuriddii xubnahihii Muuse la jaalka ahaa.

Waxa la isla gartay in Guddoomiyaha Xisbiga wixii ka dambeeya ansaxinta Golaha dhexe ee Xisbiga lala Galo Dagaal Hoose oo lagaga faro maroojinayo Awoodaha uu haatan gacanta ku hayo ee Xisbiga.

Dabinada la qoolay ayaa u muuqda kuwo fashilan, iyadoo la xasuusan yahay Feejignaanta iyo tacadarka uu muuse Muujin doono,maadaama uu maanta ku hayo Dagaalkii qaawanaa ee lagu qaaday iyo waliba raggii sida gaarka ah u soo hujuumay.

Guddoomiye Muuse oo isaga laftiisa ku maqan shirar iyo  wada tashiyo uu la leeyahay Taageerayaashiisa ayaa si weyn ugu hawllan sidii uu wajahi lahaa Dhexdhexaadinta uu la geli doono Madaxtooyada oo aan laga filaynin wax natiijo ah, maadaama labada garabba ay si weyn iskugu fahmi doonaan Dabinada  ay isku qoolayaan.

 

Dedaalka uu waddo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la filayaa inay muddo qaataan sidii ay u midho dhali layaaheen, waxase aan la Hubin Habka heshiiskoodu u qancinn doono garabyada is haya o Hal u jeeddo wada leh.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed