Garabka Kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi oo Hakiyay Shirkii Golaha Dhexe ee Beri,Sheegayna inay u Hogaansameen Ergada dhexdhexaadinta
Hargaysa 30.May 2014 (SDN/QJ)- Garabka xisbiga KULMIYE ee uu Hoggaamiyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inay hakiyeen shirkii Golaha Dhexe ee ay iclaamiyeen inay qabanayaan 31-ka May oo ku beegnaa Beri. Ka dib markii siday sheegeen ay aqbaleen soo jeedintii ergadii Golaha Guurtida oo ku baaqday in la joojiyo shirarka labada dhinac ee mursani ku baaqeen.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda kaga jira xisbiga KULMIYE, isla markaana ka tirsan Garabka la safan Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ku Xigeenkiisa.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu warsaxaafadeedkiisa ku cambaareeyay habkii xalay ciidanka Boolisku xabsiga ugu taxaabeen Wasiir Ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor.
“Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee Golaha Guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida.
Waxaanu ka xunahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe loo weeraray Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga C/laahi Abokor.
Waxaa kale oo aanu ka xun nahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in KULMIYE ka danbeeyey, waxaanu mar walba dhiiri gelinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka dambaysayna way iska soo bixi doontaa .
Waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan nabadooda ,wada jirkooda iyo xasiloonidooda.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com