Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyey duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland.
Muqdisho:30,May,2014(SDN/QJ)- Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahana Duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan
maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xafiiskiisa Kusoo dhaweeyey Duqa
magaaalada baden Dalka Swizerland kaas ay wehliyaan wafdi kale oo heer
Caalami ah .
Laba mas,ul ayaa waxaa ay ka wada hadleen si ay labada magaalo iskaga
Kaashan lahaaayen Dib dhiska Dalka iyo in ay hormar Ku tilaabsto
Caasimada Soomaliya ee Muqdisho kaas lagu Dhaweeyey Xafiiska Cusub ee
Duqa magaalada muqdisho ee Degmada hiliwaa.
Mr:Geri Muller oo ah duqa magaalda baden ee dalka Swaziland aya ka mahad
celiyey si Xushmada leh ee Loogu soo dhaweeyey caasimada Soomaliya asaga
oona cadeeyey in kaalin qiimo leh Ka qaadan doonaan dalka soomaliya
wuxuuna sidoo kale cadeeyey in uu ku faraxsanyahay imaatinkiisa muqdisho
oo ay tahay Markii ugu horeysay oo soomaliya Yimaado.
Shacabka ku dhaqan Degmooyinka gobolka banaadir ayaa soo dhaweeyey ayaga
oona watay sawirada madaxda dalka iyo mas,ulka maanta martida u ah
maamulka gobolka banaadir sidoo kalana waxaa heeso guubaabo iyo soo
dhaweyn ah kusoo Bandhigay kooxaha Hobolada waabari,Shamsudiin Band
iyo barbaarta gaashaaaman waxayna dhamaantood ka mideysnaayeeen in la
soo Dhaweeyo madaxda martida u ah Mas,uliyiinta qaranka soomaliyeed
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com