Siiraanyaw haddii aad sidan tahay maxaad siyaad barre ula dagaalamaysay
Waxaa hore loo yiidhi taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa. Waana muraayad la iska daawado oo qofku ku qiimeeyo khaladaadkiisa kuna cibro qaato wixii hore u soo maray.
Waxaynu dhamaanteen xasuusanahay in madaxwaynaha haatan dalka ka taliya ee la yidhaahdo Siraanyo inuu dalkii Somaliya la odhan jiray ka mid ahaa xubnihii asaasay ururkii dhaqdhaqaaqa SNM ee lagaga soo horjeestay maamulkii madaxwayne Siyaad barre.
Waxaynu ogsoonahay sababihii ugu waawaynaa ee loo unkay dhaqdhaqaaqan inay ahayd dulmigii faraha badnaa ee lagu hayay dadkeena oo ay hormood ka ahayd isir nacayb la rabo in lagu tirtiro beeshan ugu badan Somaliland ee dhexe, sidoo kale ay jirtay qaraabo kiil, eex, iyo booli qaran oo xad dhaaf ahaa kaas oo si gaar ah loogu buuxin jiray jeebka dadka ay isku beesha yihiin iyo intii ka garab dhawayd.
Haddaba madaxwaynahan Siiranyo oo madaxa dhaqdhaqaaqa SNM ka noqday ayaa meelo badan ku tibaaxay inuu ka dagaalamayo cadaalad darro iyo xasuuqa loo gaysanayo beel gaar ah.
Hore ayaa loo yidhii wixii aan daacad ahayn daba ayuu ka xumaada.Habdhaqanka Siiranyo maanta waxay qof kaste u cadaynaysaa inaanu daacad ka ahayn cadaaladii u raadinayay iyo dulmigii u ku eedaynayay Siyaad barre.
Bal waxaad barbar dhigtaa muddadii yarayd ee u hayay iyo dalkii sida uu isku badilay. Haddii Siyaad barre lagaga cabanayay reer diini oo kaliya, Siiraanyo waxa u meel kaste keenay iyadoo oodaheegii wadata beesha u ka soo jeedo oo afar isa saran aha oo midna kaligii istaagi karayn tiro yari awgii.
Waxa il kaste oo dhaqaale ah uu u dhiibay mid beeshooda ka soo jeeda ama ay dhaleen ama xidid la ah, halkaana Siyaad barre garab dhig waa meel qurux badan oo ay iska shabahaan
Waxa uu ku bilaabay inuu la dagaalamo oo ku ballan qaaday inuu dabar gooyo reero waa madaxwaynihii Siyaad barre, bal garab dhig ta manta ka taagan shalay beeshii arab ayaa rasaas ooda lagaga qaaday manta waxay taagantahay subeer awal ha la tirtiro,dooraato ciise iyo dhulbahante ayaa qalnaa. Garxajis ayaa iyaguna doorka ku soo jira oo markooda sugaya in kawaanka la saaro. Reer awdalbaa dhagaha taagaya in dhinacooga lagu soo cabbeeyo ciise.
Siyaad barre in kun jeer ka badan ayaa lala taliyay oo la yidhi sidan wax ka badil, wa uu ka madax adaygay, waar kursiga iska sii daa, waa lagu kari waayay. Bal garab dhig ta manta taagan, halkii khaatumo khayr u ku dhamaysan lahaa nolosha Siiraanyho ayuu isagoo 80 jir ah lagu kari laayahay waar iska naso oo sharciga ha baal marin ogolaw in lagula tartamo haddii aad diiday inaad uga tanaasusho gudoomiyahaagii daacada kuu ahaa intii ina rayaale mar dhinac ku jiidi jiray Hargeysa ee sharafta kaa qaadi jiray. Waxa u talo cid walba ku diiday qof kaste oo xal ula tagay iyo in waxan u wado ay tahay khalkhalin iyo nabad galyo darro dalka burbur ku keeni karta.
Siyaad barre waxa hoday la taliyeyaal karkaarka waydaariyay.waxaad garab dhigtaa la taliyaayaasha ku xeeran Siiraanyo ee wax aan khayr ahaynba u sheegayn.
Haddaba gunaanadku waxa weeyi kol haddii ay soo baxday dhabtii oo aanad Siyaad barre waxba ka duwanayn oo adigoo xiskaaga iyo maankuba ku dhan yahay aad doortay ,ugu talo gal in halkiisii hadaba aad marayso iyo khaatimadiisii.