|

Guddoomiye Cali Gurey oo dhinacyada is haya ee Kulmiye isku si u dhaliilay shacabkana Fariin u diray

Hargeysa May 30,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID Md Cali Gurey oo ka hadlay khilaafka dhinacyada Kulmiye ayaa isku si u dhaliilay labada garab ee ishaya,waxaanu sidoo kale talo u soo jeediyay shacabka la kala safan, Guddoomiyaha ayaa sidaa ku bandhigay bogiisa Internetka. Qoraalkiisana waxa uu u dhignaa sidan:

“Kulmiye iyo xukuumadiisu waa dameer iyo labadiisa daan waanay ku fashileen hogaamintii talada qaranka. Qaraxyada magaalada Hargeysa na waa baalo xoofto iyaga dhexdooda ah oo aan loo baahnayn.Hadii aanay gudahooda xalilan karin khilaafkooda ma xalilan karaan eh maaha laga na aqbali maayo inay maatada iyo maxasta dhexdooda la yimaadaan iyo inay ku wiiqaan amniga iyo xasiloonida dalka. Nin kursi doonaya iyo mid xejisanaya danahooda waxa ka muhiims…an danta qaranka.

Shacbiga Somaliland iyo dadka ku dhex lunsan mugdiga xisbiga tiiha iyo asqada ku ambaday iyo xukuumadiisa ka dara waxan ugu baaqayaa inay uga wada dareeraan cid kala raacda ba ha waayaan eh. ninka siyaasiga ah xaq wuxu shacbiga ugu leeyahay in uu waydiisto codkooda dhiigiina ii daadiya xaq uguma laha meel uu gaadhi karaa na ma jirto xumaan mooyee wanaag in uu ku hanto na ha u fadhiyin.”

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed