|

“anigu wasiir baan ahay oo waxan taageersanahay madaxweynahahayga isagaana musharax ii ah isaaagan taageersanahay.” Wasiir xirsi

Hargeysa:may,29,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi cali Xaaji Xasan  iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka  lagu soo dhaweyey.

wasiir xiriWasiir Xirsi ayaa ka warbixiyey ujeeddada safarkii  isaga iyo waftiga uu hoggaaminayaa ay ku soo mareen Wadamada Maraykanka iyo Canada, waxana uu ku tilmaamay mid looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa Qaadhaanka  ay qurbejoogga Somaliland ugu deeqayaan waddada ceerigaabo.

 

Wasiirka  ayaa sheegay inay meel fiican u marayso hawshii qaadhaan ururintu, isla-markaana ay gacanta ku hayaan lacago fiican oo wax weyn ka tari kara hawsha waddadu u baahan tahay.

Waxa kale oo uu wasiir xirsi ka hadlay Muranka ka aloosan xisbiga kulmiye dhexdiisa, isagoo xusay inuu si cad u taageersan yahay  Hoggaanka Dalka oo ah madaxweyne  Siilaanyo.

Waxa uu xirsi sheegay in  cid waliba ay xaq u leedahay inay musharax  noqoto, balse uu  si buuxda uu taageersan yahay Madaxweynaha oo uu ku sheegay inuu sharraxan yahay.

“qof waliba xaq buu u leeyahay  waxa uu ku dhawaaqayo laakiin anigu wasiir baan ahay oo waxan taageersanahay madaxweynahahayga isagaana musharax ii ah isaaagan taageersanahay.” Ayuu yidhi Wasiir xirsi.

Waa markii  ugu horraysay ee uu wasiir xirsi si cad u shaaciyo inuu madaxxweyne Siilaanyo yahay musharrax, waxana ay arrintaasi muran ka dhex dhalisay hoggaanka sare ee kulmiye iyo xukuumadda oo isku maan-dhaafay.

 

SDN/QJ

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed