|

Hogaankii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil iyo Xildhibaano Xisbigaas ah oo Xabsiga lagu Guray kadib markii ay Taageereen Musharaxnimada Muuse Biixi

Berbera 29.May 2014  (SDN/QJ)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Magaalada Berbera ku xidhay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Kulmiye  Yuusuf Axmed Maxamed(Halac Dhegoole) iyo laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha degaanka, kuwaasi oo kala ah Rashiid Aw Xasan, Daahir Aw nuur.

Masuuliyiinta la xidhay ayaa Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil kula hadlayay dad isku soo baxay oo taageero u muujinayay Hogaanka Kulmiye ee Garabka Muuse Biixi. Booliska ayaa dadka ku kala eryay Rasaas, iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin.

Gudoomiyaha Gobolka Fahmi Cabdi Bidaar iyo Taliyaha Booliska ee Gobolkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in Masuuliyiinta la xidhay abaabuleen Mudaharaad aan sharci ahayn. Waxay ku doodeen inaanay Warqad Ogolaansho ah u haysan Mudaharaadka.

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Warbaahinta u sheegay in dhacdadaasi ay ka hor imanayso Distoorka Qaranka iyo Shuruucda Xisbiga Kulmiye isagoo Sheegay in Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaanada la xidhayba ay Taageereen Hankiisa Siyaasadeed,Isagoo intaas ku daray in Shalay Magaalada Berbera lagu qabtay Xaflad lagu taageerayo Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo.

Khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dhex Oogan ee u dhexeeya Garabka Madaxtooyada iyo Garabka Hogaanka ayaa sii fidaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay muuqanayeen dad la abaabulay oo Garabka Xukumadda taageero u muujinaya.

Berbera SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed