Qoraa Dunida Caan ka Ahayd Oo Ku Geeriyootay Carriga Maraykanka
St Louis:May,2014(SDN/QJ)-Waxa Dunida ka Baxday Mid ka mid ah Haweenkii qoraaga ahaa, isla-markaana caanka ku ahaa gabayada.
Haweenaydan oo Lagu magacaabi jirey Maya Angelou, ayaa ku geeriyootay da’deeda oo 86-jir ah, waxana ay caan ku ahayd olole ay ahayd mid u ololaysa Xuquuqda Bulshada.
Buugeedii ugu horeeyay oo cinwaankiisu ahaa, ‘waan garanayaa sababta shimbiraha la xanibo u heesaan’, ayaa ka hadlayay xilligii ay qaangaadhay oo ahaa waqti midab kala sooc uu dalku hareeyay.
Waxa ay si aan qaris ku jirin uga hadashay mar la kufsaday, iyo in aanay muddo lix sano ah hadlin markii la dilay ninkii kufsaday oo ay sheegtay.
Buugeeda ayaa noqday mid aad loo iibsaday, waxana uu kaalmaha hore ka galay buugaagta dunida loogu iibsiga badan yahay.
Waxay ku dhalatay St Louis, Missouri dalka Maraykanka, waxayna noqotay haweenaydii ugu cod-karsanayd, waxaana ay la taliye u noqotay dhowr madaxwaynayaal Maraykanka soo mara.
Sanadkii 1993, waxay noqotay qoraagii labaad ee kaliya, ahna qoraagii ugu horeeyay ee madow oo gabay ka akhrida caleemo saar madaxwayne.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com