|

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti oo la faray in aaney ka bixin Xeryahooda

Jabuuti May 29,2014(SDN/QJ)-Ciidamada dalka Mareykanka ee ku sugan dalka Jamhuuriyadai Jabuuti ayaa la faray  in aaney ka bixin xeryaha  saldhigyada u ah.

Goaankan ayaa Mareykanku soo saaray ka dib kolkii dhawaan ay dalkaasi Qaraxyada ka fuliyeen kooxda Al Shabaab.

Qaraxyada ayaa waxa ku geeriyooday sida ay dawlada Jabuuti sheegtay  sadex ruux waxaana ku dhaawacmay 11 kale.

Goobta qaruxu ka dhacay ayaa waxa ay aheyd maqaaxi ay ku caweeyaan ciidamada shisheeye eek u sugan dalka Jabuuti.

Sida wararka qaar ay tibaaxayaana dadka dhaawaca ahi waxa ku jira ciidamada ladagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee reer Yurub.

Ciidamada Mareykanka ee dalka Jabuuti ku sugan ayaa xerada Lemonnier ku jira tobankii sano ee u danbeeyay, iyada oo la sheegay in halkaa u joogaan la dagaalanka waxa loogu yeero Argegixisada.

SDN/QJ-Jabuti

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed