Xukuumadda Oo Waddo Dhuuni u Maraysa Soo Xero-gelinta Dhammaan Xubnaha Fulinta ee Muuse Magacaabay iyo is baayacaad Bilaabantay
Hargeysa:May,29,2014(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtooyada ayaa waxa ka socda Dedaallo lagu soo xerogelinayo Dhammaan Xubnihii dhawaan Guddoomiye Muuse Biixi u magacaabay liiska Guddida Fulinta oo uu soo saaray, kaas oo shalay ay xubno ka mid ahi iska Casileen.
Wararka Qurbejoog.com Helayso, ayaa sheegaya in ragga Horboodaya ololaha ka dhanka ah Gudoomiyaha Xisbigu ku mashquulsan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnaha wali aan lahayn ee Guddoomiyaha la safan, iyadoo loo marayo dhinaca Dhuuniga ama dhadhamo maaliyadeed oo loogu baaqo.
Xubnahaas ayaa waxa ay ku dedaalayaan sidii warbaahinta loo kor keeni lahaa dhammaan xubnihii muuse liiska ku darsaday si bulshada loo tusiyo inaanu Guddoomiyuhu haysanin wax taageero ah oo xisbiga dhexdiisa ah.
Farsamooyinka la adeegsanayo ayaa wax aka mid ah in nin kasta oo la doonayo in la soo xerogeliyo loo adeegsado mid beeshiisa ka soo jeedo, maadaama kuwa is casilayba loo diray qolyo ay isku beelo yihiin, kuwaas oo aakhirkii saxaafadda gaadhsiiyey warkooda.
Inkastoo ay dedaalo dhexdhexaadineed socdaan haddana xukuumaddu waxay wadaa kuna hawllan tahay sidii meesha looga saari lahaa loona dumin lahaa tiirarka ad adage e Muuse Cuskanayo, waxana lagu mashquulsan yahay in cid kasta oo Guddoomiyaha loo tuhmo Madaxtooyada looga yeedho, iyadoo xagga Jeebka laga marayo.
Kooxda dagaalka caynkan ah wadda wax aka mid ah Wasiir samaale oo isagu aan nasan tan iyo markii uu Muuse Shaaciyey Musharaxnimadiisa, kaas oo geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay sidii uu u baabi’in lahaa Kooxda la safan Guddoomiyaha, isagoo Adeegsanaya Hantida qaranka oo uu gacanta ku Hayo.
Ragga kale ee safka hore kaga jira Dagaalka Muuse ayaa waxa ugu horreeya Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo si buuxda ugu hawllan sidii loo wiiqi lahaa Awoodda iyo Taageerada Muuse Biixi.
Baayacaadda iyo xod-xodashada ayaa laga dareemayaa Huteelada waaweyn ee Magaalada Hargeysa, waxana meelahaas ka socda Kulamo gaar gaar ah oo la isugu sheegayo Ballan-qaadyo la siinayo xubnaha wali dhego adaygaya.
Lama garan karo halka ay ku damabayn doonto Dagaalka xukuumadda iyo Muuse Biixi u dhexeeyaa, balse waxa muuqata in la isu adeegsanayo Tallaabooyin kala dili kara labada dhinac oo sida runta ah aanay qolana qolada kale la’aanteed socon Karin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com