Is-casilaadda Xubnaha Muuse Ku Daray Guddida Fulinta Oo Halis Gelinkarta Dhexdhexaadinta Labada Dhinac
Hargeysa:May,29,2014(SDN/QJ)-Waxa sii badanaya Tirada Xubnaha xukuumadda la safan ee sheegaya inay iska casileen Xubinamada Guddida Fulinta oo uu Muuse Biixi hore u magacaabay.
Arrintan oo bilaabantay Shalay ilaa xalayna socotay, ayaa waxa ay mugdi gelin kartaa dedaalada dhexdhexaadineed ee ay Xubanaha Guurtida ahi ka dhex wadaan Labada Garab ee xisbiga oo haatan u muuqda kuwa u hoggaansanaanaya Baaqyada loo jeedinayo.
Xubnaha iscasilay ayaa abuuri kara jawi sii kala fogayn kara labada dhinac, waxana soo kordhaya warwarka laga qabo in Garabka Muuse Biixi uu arrintaas ka falceliyo isla-markaana ka ficil qaato.
Xubnaha is casilay oo sida muuqata cadaadis la saaray, ayaa waxa ay u badan yihiin laba beelood oo kala ah Beesha Bariga Burco iyo Beesha Gobolka Hawd, waxana xubnahaasi dhamaantood ay yihiin kuwo si weyn markii horeba ugu dhawaa Madaxweynaha, balse Saami Qabiil uu muuse ugu diray Meesha.
Waa Suurta gal in xubno kale iska casilaan Garabka Muuse, maadaama ay xukuumaddu tab iyo xeelad wixii ay haysay iskugu geysay sidii loo furfuri lahaa garabka Kornalada, waxana ay taasi abuuri kartaa in colaadda labada dhinac dhex taalla meel fog gaadho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com