Weftigii ka Socday dalka Kenya oo Somaliland ka ambo baxay iyo Ambassador Sifir oo ka hadlay {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.May 2014 (SDN/QJ)- Safiirka Somaliland u Fadhiya Dalka Kenya Ambassador Maxamed Cabdilaahi Sifir ayaa Maanta Dalka ka Amba Bixiyey Wafti Ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, waxana uu ka Warbixiyey Ujeeddooyinka Waftigani dalka u joogeen.
Waftigan oo tiradoodu dhan tahay Shan Xubnood ayaa dalka ku sugnaa muddo Shan maalmood ahaa, waxana ay u socdeen inay indha indheeyaan Sidii ay qunsuliyad dalka uga furi lahaayeen.
Waxa uu Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Sheegay in waftigan ay Heleen Goobtii ay xafiiska ka furan lahaayeen, isla-markaana ay Hishiiskii ay Guriga ku Kiraysan lahaayeen Saxeexeen.
Waxa uu Tilmaamay in muddo Bil Gudaheed ah ay xafiiska ku furan doonaan, isla-markaana ay ku qanceen in xafiiskaas la furo, dawladda Somaliland-na ay ka wada Hadleen Arrimaha Uu Xafiiskaasi Qaban doono.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII AMBASSADOR SIFIR
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Sifir28M.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ