Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Mawqifka Madaxweynaha ee Gudida Dhex dhexaadinta Khilaafka Kulmiye DAAWO
Hargaysa 28.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa saxaafadda Waxa uu Galabta u sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Xisbigu la Go’aansaday in la soo afjaro.
Waxa uu Wasiirku sheegay in Maanta kulankii ay Xubanaha Guurtida ah ee dhexdhexaadinta wadaa ay Madaxweynaha la yeesheen uu ku dhamaaday is afgarad isla markaana ay u balan san yihiin Kulan kale.
Wasiirka Arrimaha Guduhu Mudane Cali Maxamed Warancade waxa uu shacabka u soo jeediyay inaanay dareen guracan ka qaadan Khilaafkan oo haatanba lagu dhamaynayo dariiqa is qancinta iyo isu tanaasulka ay somaliland heerka ay marayso ku soo gaadhay.
Hargaysa SDN/QJ