War Degdeg ah: Warancadde Oo Shaaciyey In Wada Hadal U Bilaabmay Garabyadii Iska Soo Horjeeday Ee Kulmiye
Hargeysa: May, 28,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shir jaraa’id oo Goor dhaweyd ku qabbtay Xafiiskiisa ku shaaciyey in Guddidii Guurtida ee Dhexdhexaadka ka galaysay Arriamaha Kulmiye ay maanta kulankoodii ugu horreeyey la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla-markaana arrinta lagu soo dabaalay wada Hadal iyo dhexdhexaadin.
Wasiir Waran-cadde ayaa saxaafadda u sheegay in khilaafkii soo kala dhex galay Xisbigu la Go’aansaday in la soo afjaro, arrintana wada Hadal lagu soo dabaalo oo labada dhinacba ay joojiyaan tallaabooyinka sii kala fogaynaya.
Waxa uu Wasiirku saxaafadda u sheegay in Maanta kulankii ay Xubanaha Guurtida ah ee dhexdhexaadinta wadaa ay Madaxweynaha la yeesheen uu ku dhamaaday wax fiican, isla-markaana uu madaxweynuhu aqbalay in arrinta la soo dabaalo oo labada garab la isku Keeno.
Waxa kale oo uu Cali Warancadde sheegay in Haatan ay Kooxda Dhexdhexaadiyayaasha ahi ku maqan yihiin dhinaca Garabka Guddoomiye Muuse Biixi, isla-markaana la filayo inay labada garab ay ka dhex bilaabaan jawi fiican oo la isku soo celin karo.
Waxa uu Cali sheegay Haatan wixii ka dambeeya arrinta lagu wareejinayo Guddida Dhexdhexaadinta ah, isla-markaana uu rajayanayo in labada dhinacba ay qaataan Go’aamada dhexdhexaadinta ah ee Guurtidu waddo.
Ugu dambayntii waxa uu Wasiirku tilmaamay in wixii natiijo ah ee Wada-hadallada ka soo kordha laga filanayo inay shaaciyaan Guddida Dhexdhexaadinta wadaa, haatan wixii ka dambeeyana wada shaqaynta iyo wada jirka Xisbiga laga shaqayn doono.
SDN./QJ