|

Cali Waran-cadde Oo Xafiiskiisa Saxaaafadda Ugu Yeedhay iyo Nuxurka Laga Filayo inuu u sheego

Hargeysa:May,28,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Haatan saxaafadda Ugu Yeedhay Xafiiskiisa.

dugaagFaahfaahin  badan lagama hayo sababta uu wasiirku ugu yeedhay saxaafadda Saacaddan, waxase wararka hoose ee la hayaa sheegayaan inuu  jawaab ka bixinayo Hadalo maalintii shalay ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenkiisii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo Warar ka dhan ah Xubno wasiirro ah Shaaciyey.

Wasiir Waran-cadde ayaa haatan ku jira xafiiskiisa, waxana dibadda ku sugaysa Saxaafadda Madaxa Bannaan,  waxana saxaafadda lagu wargeliyey inay daqiiqado sugaan wasiirka.

Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa la sheegayaa inuu shirar hoose Maanta Duhurkii la qaatay Madaxweyne Siilaanyo iyo Koox wasiiro ah, waxana halkaas lagu falanqeeyey wixii laga yeeli lahaa Hadalka koox ka mid ah Golaha wasiirrada uu  kooxda Al-shabaab kula xidhiidhiyey Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland oo ay cali warancadde muddo  soo wada shaqeeyeen.

Kulankaas ayaan si buuxda loo ogayn waxa uu ku dhamaaday, waxase la sheegay in la isla meel dhigay in ugu  horrayn jawaab laga bixiyo eedaha wasiirkaasi xukuumadii uu ka tirsanaa ku sagootiyey.

Shirkan  jaraa’id ee galabta ayaa la filayaa inuu salka ku hayo sidii u jawaab u bixin lahaa, waxase aan la hunin  waxa uu arrintaas ku diidi doono ee Caddaymo ah.

 

 

SDN./QJ

 

Contact@somalidiasproranews.com

Comments are closed